WAR DEG DEG: Madaxweynaha Soomaaliya oo gaadhay Magaalada Kismaayo

madaxweynaha somalia

Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa waxay goor dhow ay ka caga dhigteen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo ka soo amba baxay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa si nabdoon ku soo gaaray Magaalada Kismaayo.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Kmg ah ee Jubba, Saraakiisha Ciidanka ee Jubba, Amisom iyo kuwa Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay si diiran u soo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo wefdigiisa.

Ciidan gaar ah oo ka tirsan Maamulka Jubba, oo horey Garoonka Kismaayo loogu sii diyaariyay, ayaa waxay Madaxweynaha Soomaaliya ka qaateen salaam sharaf.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnaha kale ee la socdo, ayaa waxay ku sugan yihiin Garoonka Kismaayo, mana cadda in gudaha Magaalada loo galbin doono iyo in kale.

Laakiin Ciidan fara badan, ayaa waxaa lagu soo daadiyay inta u dhaxeyso Garoonka iyo gudaha Magaalada, waxayna dadku lee yihiin waxaa loo galbin doonaa Madaxtooyada Kismaayo, inkastoo aynaan jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa kamid ah wefdiga Madaxweynaha ku wehlineysa, socdaalkiisaan Kismaayo.

Salaanmedia/Mogdisho