War saxafadeed…Ujeedo :-Cambaareyn isku daygii dil ee lagula kacay Xildhibaan Maaxamed Farax Qabile 21 Oct 2013

                     ucid

                                    Press release

 

Ujeedo :-Cambaareyn  isku daygii dil ee  lagula kacay Xildhibaan Maaxamed Farax Qabile   21 okt 2013

 

(Falka foosha xun ee lagula kacay,Xildhibaan Qabile,waa fal fadeexad iyo foolxumo ku ah  nabada iyo Dimuqraatiyada Somaliland,Xukuumada ayaana laga sugayaa jawaab cad).

Marka hore waxaan  salaan  mudan  dhamaan shacabka  reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan  gudaha iyo dibadaba.Marka labaad waxaanu Shacabka reer Somaliland  ku dhiiri gelinaynaa in ay ilaashadaan,adkeeyaan ,meelna ugu soo wada jeestaan ilaalinta nabadgelyada  dalkooda ,cid kasta oo isku dayda in ay dhaawac gaadhsiisana waa in ay gacan bir ah ku qabtaan.

 

 

 

 

  1. Falka foosha xun ee laguga kacay Xildhibaan Maxamed Farax Qabile  21 okt 2013  iyo falal kale oo la mid ah , horena  loogula kacay  muwaadiniin reer Somaliland  intii  Xukuumada Kulmiye xilka  dalka haysay,waxay ka marqaati kacayaan ,tamar darad,cadaalad xumada ,musuqmaasuqa iyo kala dambayn la,aanta  Xukuumada talada haysa.

 

  1. Falka foosha xun ee loo geystay  Xildhibaan Qabile wuxuu ceeb iyo bar madow ku yahay  Hayadaha Amaanka dalka,Hayadaha Garsoorka dalka iyo guud ahaan  Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada.Shacabkuna waxay dhowrayaan  talaabooyinka ay qaadaan.

 

  1. Falka lagula kacay Xildhibaan Qabile wuxuu markhaati cad u yahay  cabudhinta xoriyatal qowlka,meel ka dhaca loo geysanayo Xisbiyada Mucaaridka ah iyo in dalku uu ku sii socdo wado qaldan.

 

  1. Haddii aan dhacdadan foosha xun si dhaqso ah wax looga qaban ,sharcigana aan la horkeenin cidii ku kacday iyo cidii soo abaabushayba ,waxaa  dhici karta in ay sii xoogaystaaan dhacdooyinka noocan oo kale ahi,ugu dambeynta waxaa iman kara khal khal ku yimaada nabad iyo Dimuqraatiyada ay Somaaliland ku  faanto.

 

  1. Ugu dambayntii waxaanu ugu baaqaynaa  guud shacabka reer Somaliland,wax garadka   ,Mucaaridka ,Hayadaha Xuquuqul Insaankaba in  aan laga aamusin, lana dhayalsan dhacdadaa foosha xun ee lagula kacay Xidhibaanka.

 

Hadal iyo dhamaan   maanta waxaa falkan foosha xun loo geystay Xildhibaan Qabile  balse ogaada haddii aad ka aamustaan beri  qaar idinkaa mid ah ayaa lagula kici doonaaye.

 

 

 

 ALLAA                   MAHAD                 LEH

 Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.

                              Xisbiga UCID

            abdi_saleiman@hotmail.com.

Facebook : abdi saleiman.

SKype : Abdisaaleiman1

twitter : @_saleiman