Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay Train-ka & Baska isugu dhacay Nairobi “Daawo Sawirada”

Waxaa sii kordheysa khasaaraha dhimashada ah ee ka dhashay shilka train-ka iyo bas-ka, ee Arbacadii shalay ka dhacay Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya.

Bogga ku hadla afka Dowladda Kenya, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ay dhinteen 12 ruux, oo kamid ahaa rakaabkii la socday bas-ka, halka dhaawacuna uu sii caga cageynaayo tobaneeyo.

Wadihii bas-ka Matatu, ayaa train-ka ku dhufsaday, xilli uu maraayay agagaaraha Eastlands. Waxayna Boolisku sheegeen in uu khaladku lahaa wadihii bas-ka.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Magaalada Nairobi Bensoun Kibui, ayaa waxa uu Warbaahinta u sheegay in train-ka uu ku socdaalaayay jidkii loogu talla galay. Isla-markaana uu khaladku ka yimid dhanka wadihii bas-ka.

Booliska, ayaa waxay sheegeen in wadihii bas-kaan oo lagu magacaabo Edward Githae Wanjau, uu ku wanaagsanaa kaxeynta gawaarida. Isla-markaana uu ka shaqeynaayay muddo dhan 15 sanadood, iyadoo aanu ku kicin khaladaadka noocaanoo kala ah.

Edward Githae Wanjau, ayaa waxa uu Khamiista maanta ah uu hortaggi doonaa Maxkamada Magaalada Nairobi, oo Arrintiisa eeggi doonto. Haddiiba uu galaaftay nolosha 12 ruux oo reer Kenya ah.

Haddii Maxkamadu ay ku hesho in Wanjau uu dayacay nolosha rakaabkii la socday bas-kiisa, ayaa waxa uu wejihi doonaa xabsi daa’in.