Wararkii ugu dambeeyay weerar bam oo lagu qaaday sarkaal ka tirsan Maamulka Jubba hooygiisa

Wararkii ugu dambeeyay weerar bam oo lagu qaaday sarkaal ka tirsan Maamulka Jubba hooygiisa
 

Daawo Kismaanyo oo ciidamadda Aminson ay ka qadeen Video
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose, ayaa sheegaya in xalay bam gacmeed lagu weeraray hooy uu magaaladaasi ka dagan yahay sarkaal ka tirsan maamulka Jubba.

Weerarkaan ayaa ka dhacay xaafada Suuq Yaasiin ee Bartamaha Magaalada Kismaayo, oo uu dagan yahay sarkaalka weerarka bambada ah lagu qaaday.

Wariye ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in khasaaraha ka dhashay weerarkaasi uu yahay in bambada ay ku dhaawacantay haweenayda uu qabo sarkaalka weerarka bambada ah hooygiisa lagu qaaday.

Ninka sarkaalka ah ee gurigiisa la weeraray ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Isxaaq, kaasi oo maamulka Jubba u qaabilsan dhanka ammaanka Dekada Magaalada Kismaayo.

Weerarkaasi kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka Magaalada Kismaayo, ayaa lasoo sheegaya in lagu soo qab-qabtay dhalinyaro lala xiriirinayo falka weerarka ah ee ka dhacay hooyga Kismaayo uu ka dagan yahay sarkaalkaasi.

Ammaanka Kismaayo ayaa sii xumaanaya, waxaana shalay ka dhacay Magaalada dilal kala duwan oo ay isu geysteen askar ka tirsan maamulka Magaalada ka arimiya.

Kismaayo hada waxaa ku sugan hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe oo shalay dib ugu noqday Magaaladaasi, waxaana ciidamada ammaanka Kismaayo ay yihiin kuwa feejignaan adag kaga jira amniga Magaalada.

Salaanmedia/Mogdisho