Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde oo geeriyooday

 

Allaha u naxariistee waxaa caawa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde, oo toddobaadkii hore lagu dhaawacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Wariyaha oo maalmahaanba xaaladiisa caafimaadeed wax looga qabanaayay Isbitaalka weyn ee Madiina, ayaa caawa ugu dambeen ku geeriyooday.

Telefishinka Universal, ayaa caawa baahinaaya geerida Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde, oo image tirsanaa hawlwadeenada Telefishinka Universal ee Magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee xaalada Wariyaha, ayaa maalmihii la soo dhaafay ka soo reyneysay, marka loo eeggo saacado uun kadib, dhaawaca daran ee loogu geystay Isgoyska Korontada ee Degmada Wadajir.

Ilaa iyo hadda ma cadda cidda dhabta ah ee geysatay dhaawaca Wariye Tima Cadde, laakiin Madaxda Dowladda oo si weyn u cambaareysay, ayaa ku baaqay in la soo qabto, kuwii geystay weerarka lagu dhaawacay Wariyaha.

Kooxo Suxufiyiin ah oo galabta Isbitaalka Madiina ku booqatay Wariye Tima Cadde, ayaa sheegay in ay xaaladiisu ahayd mid deggan, isla-markaana uu si caadi ah uu ugu sheekeynaayay.

Salaanmedia/Mogdisho