Wasaaradda Arrimaha dibadda oo howlgelisay Waaxda qurbo joogta Soomaaliyeed

 

Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa waxay sheegtay in ay hawlgelisay Waaxda qurbo joogta Soomaaliyeed.

War Saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa waxaa lagu sheegay in ay Wasaaradu hawlgelisay Waaxdaan cusub.

War Saxaafadeed, ayaa yiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay si rasmi ah ugu saldhigtay Waax cusub oo lagu magacaabo Waaxda qurba joogta Soomaaliyeed (Department of Diaspora Affairs).

Wasaaradu, ayaa waxay sheegtay in ay Waaxdaan xiriirin doonto jaaliyadaha ama qurbo joogta Soomaaliyeed, ee ku dhaqan gudaha Soomaaliya.

“Waaxdaan oo xiriirin doonta jaaliyadaha dibadda ama qurba joogta iyo dadka ku nool gudaha Wadanka, ayaa waxa ay yeelan doontaa qaybo kala duwan oo u howlgeli doona isku xirka qurba joogta (Diaspora), hey’adaha dowladda iyo ganacsatada, si loo sameeyo iskaashi iyo wadashaqeyn, looguna fududeeyo maalgeshiga” Sidaasi waxaa lagu yiri Bayaanka laga soo saaray Xafiiska Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.