Wasiirka Warfaafinta Oo Xaflad Qado-sharaf ah u sameeyay Fanaaniinta Xidigaha Geeska

cukuse

“Ismaan lahayn Ereyada aad ku Heesayseen iyo Codkii Saarnaa Hargeysa ayuu dhex Yaalaa”
“Fanaaniintii horena Taariikhdooda ayaan ka Raacaynaa waayo-aragnimo ayaan kala Hadhaynaa”

HARGEYSA (SM)-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta xaflad qado sharaf u sameeyay fanaaniinta xidigaha Geeska oo kaalin ka qaatay bandhigii Telefishanka Qaranku ugu tallo galay inuu daawadeyaashiisa ku raali gelinayo munaasibaddii ciidul adxaha darteed.

“Waxaan soo dhawaynayaa dhalinyarradan (Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska) xafladanna waxaan u samaynaya hawshii TV-ga xalay (habeen-hore) oo markaan daawanayay, waxaan arkay dhalinyarada faraha badan ee codka macaan ee Hargeysa joogta, ismaan lahayn ereyada aad ku heesayseen iyo codkii saarnaa Hargeysa wuu dhex yaalaa, qof aanan jaclaysan idinkuma jirin,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Wasiir Cabdilaahi Cukuse waxa uu intaas ku daray “Fanaaniintii horena waan soo dhawaynaynaa taariikhdooda ayaan ka raacaynaa waayo-aragnimo ayaan kala hadhaynaa, wixii nolosha fanka wax ku kordhinaya waan ku dhiiri-galinaynaa inay halkii ka wadaan, idinkuna waxaad tihiin qoladii dambe ee Digital-ka dunida casriga idinkaa ayaanu kaga qayb- galaynaa xoogiina codkiina ayaan kaga qayb galaynaa fanka casriga ah.”

Sidoo kale, Maareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar XAsan Cali Gaas oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu mahadnaq u jeediyay fanaaniinta xidigaha Geeska, waxana uu tilmaamay in Telefishanka Qaranka ay u siman yihiin fanaaniintu ayna soo dhawaynayaan fanaaniinta da’da yar.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha xidigaha Geeska, abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul, waxaanu ka mahad-celiyay sida ay wasaarada warfaafintu ugu heelan tahay inay wax la qabato fanaaniinta xidigaha Geeska.

Salaanmedia/Hargaysa