Wasiirrada Arrimaha Dibedda Ee Somaliland Iyo Raysal Wasaare Ku Xigeenka Itoobiya Oo Kulan Gaar Ah Wada-yeeshay Iyo Nuxurka Qodobbada Ay Ka Wadahadleen.

Wasiirrada Arrimaha Dibedda Ee Somaliland Iyo Raysal Wasaare Ku Xigeenka Itoobiya Oo Kulan Gaar Ah Wada-yeeshay Iyo Nuxurka Qodobbada Ay Ka Wadahadleen.

 

kulankan oo ahaa kii labaad muddo labo bilood ka yar waxaa labada masuul midba gaarkiisa u ballan-qaaday in…………….

Raysal wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis. 

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi), waxaanu u dhignaa sidan:- 

“Wasiir Arrimaha Dbeda iyo Iskaashiga caalamiga ee Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa maanta kulan gaar ah kula yeeshay xafiiskiisa Raysal wasaare ku xigeen ahna Wasiirka arrimaha dibeda Ethiopia Mr. Tedros Adhonom.

Kulankan oo qaatay saacad iyo badh waxay labada masuul iskula falan qeeyeen xidhiidhka soo jireenka ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya labada wadan Somaliland iyo Ethiopia , waxayna labadan masuul si gaar ah diirada ugu saareen arrimaha nabad gelyada, siyaasada ,dhaqaalaha iyo mashaakilaadka ka jira mandaqada iyo sidii iskaashi looga yeelan lahaa. 

Kulankan oo ahaa kii labaad muddo laba bilood ka yar waxaa labada masuul midba gaarkiisa u balan qaaday in xidhiidhka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada wadan Ethiopia iyo Somaliland la sii xoojiyo lana dardar geliyo.