Wasirika Arrimaha Dibadda Oo Ka Qeyb Galeysa Shirka Golaha Ammaanka Ee Looga Hadlayo Kordhinta Ciidanka AMISOM Iyo Qalabeynta Ciidanka Soomaaliya (Daawo Sawiro)

image

Oct 27,2013 Muqdisho (SM)Ra’iisul wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa maanta ka ambabaxday Caasimadda Muqdisho , iyadoo ku sii jeeda Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York , si ay uga qeyb gasho shir dhamaadka bishan October u furmi doona Xubnaha golaha ammaanka, kaasoo looga arinsan doono kordhinta ciidanka AMISOM iyo taageeridda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, si ay u helaan taageero maaliyadeed iyo mid milatari oo la mid ah kaalmada loogu yabooho ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya ( AMISOM).

Wasiirka arrimaha dibadda Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam oo khudbad ka jeedin doonta Fadhiga golaha ammaanka, ayaa ka codsan doonta inay ka taageeraan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya (Somali National Army) dhinacyada qalabeynta , maalgelinta iyo tayeynta ,si looga dhameystiro baahiyaha iyo tasiilaadka dhinaca dagaalka , ayna u helaan niyad-sami iyo awood milatari oo balaaran oo ay ku howlgalaan , kuna xalin karaan dhibaatooyinka iyo colaadaha ka jira dalka Soomaaliya, looguna saldhigo nabadda iyo deganaanshaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo ah muraayadda laga eegayo dalka ayaa ku tillaabsatay guulo wax ku ool ah oo siyaasadda arrimaha dibadda ku qotanta mudadii sanadka aheyd ee ugu dambeysay , iyadoo Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Fawziya Yuusuf Xaaji Adam ay muujisay dadaal iyo karti dheeraad ah oo ay sare ugu qaaday maqaamka siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya , iyadoo Wasaaraddu hiigsaneyso sidii ay u dhaqan gali lahaayeen lixda tiir ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Prof. Hassan Sheikh Mohamud uu saldhig uga dhigay siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya.