“Waxaanu Aaminsanahay Inay Jiritaankayaga Qayb Muhiim Ah Ka Tahay Waddada Ceerigaabo” Wasiir Xirsi

Wasiir-xirsi-300x252

(SM-Gar-adag) – Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in dhismaha waddada isku xidhaysa Ceerigaabo Iyo Burco ay qayb muhiim ah ka tahay isku xidhka dalka iyo jiritaanka Somaliland.

 

Wasiir Xirsi, oo maanta khadka Telefoonka ugu waramay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa sheegay in waddada Ceerigaabo iyo Burco ay xukuumad ahaan u qoondeeyeen adduun gaadhaya afar Milyan oo doolar, taasi oo durba Golayaasha qaranku qaybahoodii ku yabooheen.

Wasiirku wuxuu, sheegay in Golaha Wasiirada Somaliland shaksi kasta laga qaadayo 2 kun oo doolar isla-markaana Labada Golle baarlamaan mid walba ansixiyey inuu bixiyo min 100.000 doolar.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka mid walba laga jarayo lacag ay kaga qayb-qaadanayaan dhismaha jidkaasi.

Wasiirka oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaanu u qorshaynay bajadka 2014-ka in looga jaro wax afar Milyan lagu qiyaaso oo ku jirta bajadka, inta aanan dadka waydiin inay ka qayb-qaataan waxaanu iswaydiinay dadka cashuurta mushaharka ka hela oo ay ugu horeeyaan Golaha xukuumadda, golayaasha Baarlamaanka, shaqaalaha iyo ciidamada iyo guud ahaanba dadka dawladda u shaqeeyaa ay ka qayb-qaataan, iyadoo uu Madaxwaynuhu hogaaminayo golaha wasiirrada ayaa ugu horeeyay waxayna ku dhawaaqeen $ 100.000 doolar, Golaha Baarlamaanka, Guurtida iyo Wakiiladuna waxay ansixiyeen in mid waliba 100.000 kun oo doolar bixiyo oo mushaharkooda laga jarayo”

 

Wasiirka Madaxtooyadu waxa kale oo uu sheegay “Wasiirrada waxa laga jari doonaa min $ 2000 doolar, Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenkana sidaa si leeg, waxaana sida loo qoondeeyay laga jarayaa midna $ 5000, Midna $ 3000” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo sharaxaya Muhiimada waddada Ceerigaabo iyo Burco iyo wadooyinka kale dalka ugu fadhiyaan “Waxaanu aaminsanahay dhaqaalaha, Nabadgalyada, isku xidhka dalka iyo jiritaankayaga ay qayb muhiim ah ka tahay Waddada Ceerigaabo iyo wadooyinka guud ahaantood”

Salaanmedia/Hargaysa