Wefdi horudhac u ah safarka Madaxweynaha ee Magaalada Kismaayo, oo goor dhow u amba baxay Kismaayo

Daawo Kismaanyo oo ciidamadda Aminson ay ka qadeen Video

Wefdi ballaadhan oo ka socda Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa waxay goor dhow u amba baxayn Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Waxay wefdigaan u gogol xaadhayaan booqashada uu Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku tagaayo Magaalada Kismaayo.

Ilo wareedyo, ayaa sheegay, in wefdigaan ay isugu jiraan Wasiiro Ku Xigeeno, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Wefdigaan, ayaa sida uu ajanduhu yahay waxa ay caawa ku hooyan doonaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Masuuliyiinta Maamulka Kmg ah ee Jubba, ayaa waxay adkeeyeen oo ay xoojiyeen ammaanka Magaalada Kismaayo, iyagoona Ciidan ku soo daadiyay inta u dhaxeyso Garoonka iyo Magaalada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa la filayaa in Khamiista berito ah uu u socdaali doono Magaalada Kismaayo, waa haddii aanu dib u dhac hor leh ku imaan.

Booqashada uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagaayo Magaalada Kismaayo, ayaa waxay qayb ka tahay heshiiskii Dowladda iyo Maamulka Jubba, ay ku kala saxiixdeen Magaalada Kismaayo.

Salaanmedia/Mogdisho