Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Istanbuul Kula Kulmay Safiir Iyo Maal-qabeenadda Turkiga

“Waxaanu kala hadalnay sidii loo kicin lahaa warshada Sibidhka iyo In Koox ka tirsan Ganacsatada Somaliland ay tagaan Turkiga”

“Waxaanu ku dhiirri-gelinay inay wax nala qabtaan, dalka Somaliland yahay wadan nabad ah oo dihin oo fursado badan leh”
New Movie (49).Movie_Snapshot

Hargeysa (SM)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaamiyay ee socdaalka shaqo ku joogay maalmihii la soo dhaafay dalka Turkiga, ayaa maanta magaaladda Istanbuul kula kulmay safiirka dalkaasi u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu kulan la yeeshay qaar ka mid ah Ha’yadaha maal-gashiga qaabilsan, ururka maal-gashiga iyo waxsoosaarka iyo shirkadaha waaweyn ee Turkiga oo ay ka wada hadleen sidii ay u maal-gashan lahaayeen Somaliland.

“Arrimihii aanu ka wada hadalnay waxa ka mid ahaa doorka maalqabeenada Turkigu ay kaga qayb qaadan karaan kobcinta horumarka dalka Somaliland. Waxaanu ka wada hadlanay sida loo kicin lahaa warshada sibidhka oo kale iyo warshado kale oo laydhka ah,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in labada dhinac isku waafaqeen in dhawaan ay Somaliland socdaal ku yimaadaan xubno ka mid ah maal-qabeenada iyo sharaa’iga dalka Turkigu, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu isku raacnay in dhawaan ay Somaliland yimaadaan koox maal-qabeenno ah oo ay dawladda Turkigu soo dirto, si ay u baadhaan kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalku u baahan yahay isla markaana darsaan meelaha maalqabeenadoodu ay maal-gashiga ku samayn karaanba.”

Dr. Maxamed Cabdilaahi oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas raaciyay “Waxa kale oo aanu ku heshiinay in aanu koox Ganacsato reer Somaliland ah aanu keeno Turkiga si ay is dhex gal iyo iskaashi ganacsi u yeeshaan ganacsatada wadanka Turkiga.

Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isaguna dhinaciisa ka hadlay qoddobadii ay la soo qaadeen Ganacsatada Turkiga ee ay la kulmeen.

“Waxaanu ku dhiirri-gelinay inay wax nala qabtaan, waxaanu u sharaxnay in Somaliland yahay wadan nabad ah oo dihin oo khayraad badan leh, waxaanu ku boorinay inay yimaadaan oo ay indhahooda ku arkaan.

”Fursadaha faraha badan ee jira waxaan filaynaa inay Ganacsatada Turkigu ay waxyaabo badan inala qaban doonaan,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.

 

2

New Movie (51).Movie_Snapshot

New Movie (52).Movie_Snapshot

 

New Movie (54).Movie_Snapshot
Geesta kalena Safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Ganacsatadii weftigu la kulmeen ayaa qiray horumarka balaadhan ee Somaliland ka samaysay dhinacyada Nabad-gelyada, la dagaalanka budhcad badeeda, argagixisadda iyo dimuqraadiyadda.

Weftiga Madaxweynaha waxa socdaalkiisa Turkiga ku weheliya Marwadda Koowaad ee dalka, Wasiirrada Arrimaha dibadda, Ganacsiga, Macdanta iyo Tamarta iyo Xoghayaha Gaarka ee Madaxweynaha.

Weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay hore ula kulmeen Raysal wasaaraha dalka Turkiga oo ay ka wada hadleen qodobo badan oo la xidhiidha wax wada qabsiga labada dal.

Salaanmedia/Hargaysa