Xarakada Al-Shabaab oo sheegatay Masuuliyadda Qaraxii ka dhcay Addis Ababa, weeraro dheeraad ahna ku hanjabay

Xarakada Al-Shabaab oo sheegatay Masuuliyadda Qaraxii ka dhcay Addis Ababa, weeraro dheeraad ahna ku hanjabtay

Published on October 14,2013

alshabaab
Muqdisho (SM)–Xarakada Al-Shabaab ayaa war ay soo dhigeen Barta Twiterka  waxa ay ku sheegteen Masuuliyadda Qaraxii ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 2 Ruux.Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxa ay warka ay soo dhigeen Twiterka ku sheegeen in ku dhawaad 10 qof ay ku dhinteen qaraxaasi.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale ku hanjbay in ay Weeraro kale ay ka gaysan doonaan dalka Ethiopia.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Bole ee Magaalada Addis ababa ee Soomaalidu ku badantahay maalintii Shalay.

Dhanka kale dowlada Ethiopia ayaa waxa ay horay u sheegtay in Qaraxa uu ka dhacay guri kuyaalla Xaafada Bole ee Magaalada Addis Ababa ayna ku dhinteen dad aanana weli haybtooda la aqoon, ayna wadaan Baaritaano la xariira ciddii ka dambeysay Qaraxasi .

Xarakada Al-Shabaab ayaa waxa ay horay ugu hanjabeen in ay Weearo ka gaysan Donaan