Xildhibaan Cali Mareexan Oo Door Weyn Ka Qaatay Isu Soo Dhaweynta Aragtiyihii Kala Duwanaa Ee Xisbiga KULMIYE

Kulmiye

(SM:Hargaysa) Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexan) oo ka mid ah Mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland, sidoo kale ka mid ahaa aasaasayaashii Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa door dhex-dhexaad ah ka qaatay doodihii ka taagnaa soo xulista Guddida qabanqaabada Shirweynaha KULMIYE, kaasoo ay ku kala aragti duwanaayeen Xoggaanka Xisbiga iyo xubno ka mid ah Guddida fulinta.

 

Xildhibaan Cali Mareexaan ayaa isu xilsaaray  isu soo dhaweynta  dhinacyadii Xisbiga KULMIYE  ee shirarka iyo dooduhu dhermarayeen maal mihii ugu danbeeyay, siday warar xogogaal ah oo ku dhadhawaa shirarkaas ku heshay Shabakadda Wararka ee Somalilandtoday.com, wuxuu Xildhibaan Cali Mareexaan isaga dabqaaday shirar doceedyo dhinacyadaasi ka yeelanayeen so xulista guddida qaban qaabda Shirweynaha, gaar ahaan wuxuu ka odayeeyay doodo u dhaxeeyay hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo xubno kamid ah guddida fulinta oo ay ku jiraan Wasiiro ka tirsan Xukuumaddu, isagoo ku guulaystay inuu ku qanciyo  inay isugu yimaadaan meel dhexe.

 

 

Xogaha shirarkaas ku dhawaa ee ay Shabakadda Somalilandtoday.com heshay ayaa sheegaaya in ergaynta iyo odayeynta Xildhibaan Cali Mareexaan ku soo afmeertay kulan habeenkii xalay ka dhacay Qasriga Madaxtooyadda, kaas oo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Somaliland, Axmed Silaanyo. Waxayna dooda iyo dhex-dhexaadinta Xildhibaan Cali Mareexaan noqotay  qodob  uu  u guuxay Madaxweyne Silaanyo kaas oo ugu danbeyntiina ay isku raaceen dhinacyadii doodu dhextaalay.”

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho:Somalilandtoday