Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku xayiran Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Unknown

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku xayiran Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kadib markii ay ka qaldameen Fiisooyin ay uga bixi lahaayeen Dalkaasi.

Khaladaadka ayaa ka dhacay Fiisooyinka saaran baasaboorada ay wataan Xildhibaanadan oo la diiday inay ku safraan , iyadoona taasi ay keentay in Xildhibaanadan ay ka baaqdaan shir Muhiim ah ay ka qeyb gali lahaayeen

Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla oo kusugan Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegtay in labadan Xildhibaan oo kala qeyb gali lahaa Shirka Baarlamaanada Afrika ay baaqdeen kadib markii ay wax ka qaldameen.

Xildhibaan Biibi khaliif iyo Xildhibaan Kaamil oo ah labada Xildhibaan ee ku xayiran Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaan ka hadlin qaladaadka dhinaca Socdaalka ah ee ku dhacay taa oo keentay in ay ka baaqdaan Shirka Baarlamaanada Afrika ee kasocda Magaalada Johanesburg ee Dalka Koonfur Afrika.  

Salaanmedia/Mogdisho