Xisbiga WADDANI Oo Shir Ku Qabsaday Dalka Filand, Kulan Kaas Oo Ay Ka Soo Qaybgaleen Laamaha Xisbigu. +Sawiro.

(SM-Filand)Furitaanki Kulanka ayaa waxa lagu bilaabay aayadaha Qur,aanka kariimka oo uu akhriyey Sheekh Deeq, Sidoo kale waxaa hadal furitaan iyo warbixin isugu jira kasoo jeediyey goobta Gudoomiyaha Laanta Md Abdirahman Ibrahin Arte Kulankan oo ahaa mid ay soo diyaariyeen Gudida sare ee Xisbiga Waddani Laanta Finland ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb galay dhawr xubnood oo kamid ah Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee Laanta Finland.

 

Dhanka kale arinta muhiimada gaarka ah leh waxay ahayd iyadoo kulanka uu khadka teleefanka kaga qayb galay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md Abdirahman Mohamed Abdilahi Cirro, Gudoomiyaha ayaa hanbalyo iyo mahadnaq usoo jeediyey Laanta Finland doorka muhiimka ay kaga jirto hawlaha Xisbiga awgeed, kuna booriyey in-la kordhiyo hawlihi ay hore laantu uhaysay, sidoo kale wuxuu kawaramay halka xaalada guud ee dalku marayso, isagoo tilmaamay in guud ahaan dalku meel wacan taaganyahay loona baahanyahay waxyaabaha dhiman ee shacabku tabayo sidi halka maanta ay taaganyihiin hore loogasi wadi lahaa. Kulankan ayaa wuxuu kusoo dhamaaday guud ahaan jawi aad uwanaagsan.

Freelancer Journalist

Mohamed Hassan Matan

Helsinki Finland.