Home Wararka Xog Ku Saabsan Qabanqaabada Shirkii Tashi Qaran Ee Madasha Wadatashigu Wareejisey

Xog Ku Saabsan Qabanqaabada Shirkii Tashi Qaran Ee Madasha Wadatashigu Wareejisey

Madasha-wada-tashiga

Xog ku saabsan qabanqaabada shirkii tashi qaran ee madasha Wadatashigu wareejisey 

 

Sida aynu kala soconay warbaahinta waxay Goluhii Wadda Tashigu wuxuu qaban qaabaddii shirka ku wareejiyey labadda xisbi qaran ee mucaaridka.

Labadda xisbina dhawaan ayey wadda jir u soo saaridoonaa war murtiyeed ku saabsaan qabaan qaabada shirkaas iyo qaabka loo wajahaayo.

Haddaba warka ka soo baxaya dad wargaleen ah ayaa sheegayaa in la dhamaystiray guddi qaban qaabo oo ka kooban tobaneeyo xubnood oo u sii golgolxaadha qaban qaabadda shirka. Gudidaas oo laga soo xulay shan qayboon oo shirkan Tashi Qaran bud-dhig u ahaa oo ka kala yimid 1- Golaha wadda tashiga, 2- Xisbiga UCID, 3. Xisbiga Waddani 4- Xubnaha Baarlamaanka ee ka biyo diidsan hab dhaqan Xukuumadda iyo 5- Golaha aqoonyahanka Somaliland.

Waxaa warka soo baxayaa intaas ku dareen iyo Shirkaas Tashi Qaran lagu casuumi doono in ay ka soo qaybgalaan ergooyin ka socda dalka oo dhan iyo dibadaha oo ku dhow ilaa 150 ruux. waxaa la filayaa in labaatanyo tiro kudhawi ay ka tegi doonta qurbaha. Ergooyinka ka kala imayaaya goboladda dalka waxa min shan dheeri ah loogu daridoonaa Goboladda Sool yo Awdal oo iyagu si gaara u soo bandhigi doona cabbashooyinka dheeriga ah ee ay qabaan goboladdaasi. Waxaa iyadda war ku aanu caddayn in sidas oo kale Sanaag Bari loo siin doono xubno dheeri ah ergooyinka Goboladda.

Sida aynu la soconay markii lagu dhawaaqay Golaha wadda tashiga waxaa dawladu ku akaysatay in ayna la kulmayn Golaha ilaa ay bedelaan magaca ” Gole” oo aan waafaqsanayn sharciga madaama ay jiraan Golayaal distoorii taas oo ayna awood u lahayn in ay ka hadlan danta Qaranka. si caqabadaas uu Gouhu uga gudbo wuxuu u diga rogtay oo uu qaatay magaca ” Madasha Wadda Tashiga” iyaga oo naawilaaya la kulanka madaxweynaha.

Dawladu waxay ku gows adaygsatay si ay uga muquurato lakulanka Madasha iyo ka jawaabidda eedaha loo soo jeediyey in ay tidhaa cidii doonaysa in ay mucaaridaan xukuumadda waa in ay ku biraan Labada Xisbi qaran ee mucaaridka ah.

haddaba Marlabad si ay Maddashu uga gudubto marmarsiiyaha xukuumadda waxay ku wareejisay Shirkii Tashi Qaran, ee lagaga wadda hadlilahaa sixidda wixii ka qaldan Qaranimadda Somaliland dhinaca Gudaha iyo Debedaba guud ahaan, labadda Xisbi mucaarid (Ucid iyo Waddai) oo iyagu hormood ka noqon doona qabasha shirka wadda tashiga si loo soo oodo meeraysiga xukumadda.

Maalmaha soo socda waxaynu maqli haddi Eebbe idmo ku dhawaqiddaa Shirka Tashi Qaran oo si wada jir ah ay u iclaamiyaan laba Xisbi MucAarid Madaxdoodu. waxaa kale oo aynu iyana eegi bal dhinaca xukumaddu uga guurguurato ku dhawaaqo shirkaas Tashi Qaran.

Waxaynu hore ula soconay in wasiirka Arimaha Gudduhu uu joojiyey Muddaharaad salmiya oo ay dhawaan ku baaqeen Madasha Watashigu xili uu barlammanka horyaalay xeerka taakalifta ee wadooyinka  oo Wasiir Xirsi meelmarintiisa dabadda ka riixayey.

Wasiir Warancade wuxuu joojinta Mudaharaadkaas u cuskaday Xeer  Lr 51/2012 qodobka 10 aad    firqadda 1aad oo awood u siinaya in uu diido codsiga  ay soo gudbiyee Madashu kiiyo goldaloolo dhinaca  wakhtiga codsiga  ka helay.

 

Dhinaca kale waxaa  isla  Xeerkani  Lr 51/2012 firqadiisa 3aad awood u siinaaysaa in uu Wasiirka Daakhiligu diidi karo qabashadda Shir isaga oo ku sababaynaaya dhinaca nabadgelyadda.

Haddaba qabashada shirka malaga yaabaa in ay dawladu is hortaagto oo ay tidhaaahdo nabadgelyo daruu abuurayaa ama ergadda iskugu imanaysa nabadgelyadoodu ma damaanaqaadi karno.

Waxaynu la soconaa in ay bilaabantay xaalad abuur  la bar tilmaamaystay  xubno lagu tuhunsan yahay in ay ku lugleeyihiin qaban qaabada shirkan taas oo lagu eedaynayo in xaalad abuurku ka imanayo dhinaca  Xukumadda.

 

Dhinaca ay u dhacdaba waxaynu sugnaaba oo  war murtiyeedka Labada urur mucarid ee ay ku iclaaminayaan qabashadda shirka Tashi Qaran iyo mawqifka ay dawladu iska taagyo iyo sida Bulsha wayna Somaliland uga falceliso.

 

 

Mohamoud H Arrale

arrale3@yahoo.com