Xoolo aad u badan oo loogu deeqay dib u hagaajinta wadada isku xidha Burco,Oodweyne iyo Hargaysa

Oodwayne(SM) Okt.05, 2013-Madashan ay bulshada reer ceelsame ku wareejinayeen xoolaha ay ugu talagaleen inay kaga qaybqaataan wadada dhismaheedu socdo ee isku xidhaysa Burco,Oodweyne iyo Hargaysa ayaa waxa goobjoogka ahaa islamarkaana si rasmi ah ugala wareegay gudoomiyaha gobolka Daadmadheedh Jamaal xuseen hure suldaan c/raxmaan c/laahi Aw good  iyo waliba cuqaal tirabadan oo mudooyinkan ku hawlanaa ururinta xoolaha wadada.

http://www.warmaal.com/wp-content/uploads/2013/10/vlcsnap-2013-10-05-17h18m30s147.png

Gudoomiyaha  gobolka Daadmadheedh Jamaal xuseen hure ayaa reer ceesame uga mahad celiyay sida xilkas nimada leh ee  ay  maanta usoo tubeen xuulaha lagaga qaybqaadanayo wadada.

Suldaan  c/raxmaan c/laahi aw good   caaqil maxamed biixi iyo caaqil cabdi xirsi galaw ayaa iyaguna tuulada ceelsame ku tilmaamay mid kaalintii ay ku lahayd wadada haatan ka ciyaartay door muhiima islamarkaana bulshada kale ugu baaqay inay ku daydaan tuulada ceelsame.

http://www.warmaal.com/wp-content/uploads/2013/10/vlcsnap-2013-10-05-17h16m32s12.png

Gudoomiyaha tuulada ceelsame iyo qaarkamid ah odayaasha magaaladaasi ayaa ka waramay xoolahan ay maanta wareejinayaan iyagoo sidoo kalena tilmaamay inaanay intaa kaga hadhayn erurinta xoolaha balse ay wadidoonaan  ilaa  inata ay ka dhamaanayso  wadadaasi.

Sidookale madaxdan uu hogaaminayay gudoomiyaha gobolku ayaa waxay kulan laqaateen bulshada ku dhaqan tuulada ceel bilcile oo iyaduna kamid ah goobaha ay sidaweyn uga socoto xoola ururintu.

hSalaanmedia/Burco