Xisbiga KULMIYE ayaa xaflad ballaadhan maanta ku soo dhaweeyay 11 Xildhibaan

image

(SM-Hargaysa) Xisbiga  KULMIYE ayaa xaflad ballaadhan maanta ku soo dhaweeyay 11 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada. Xafladan oo si heer sare ah loosoo agaasimay waxay ka qabsoontay hoolka Maansoor oo ku yaala Magaaladda Hargaysa. Munaasibada Xildhibaanadan waxaa ka soo qayb galay, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ku-xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed, hoggaanka Xisbiga. Raxan Wasiiro ah oo ay kamid ahayeen Wasiirka Duulista Hawada, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Wasiirka Beeraha. Sidoo kale waxaa Munaasibadan ka soo qaybgalay Xildhibaano tirobadan oo ka tirsan labada gole baarlamaan.

 

Xubnaha Xildhibaanada loo qabtay munaasibada oo halkaas ka hadlay, ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta ay u doorteen Xisbiga KULMIYE. Waxayna sheegen inay ku xusheen waxqabad muuqada oo uu muujiyay Xisbigan oo ah ka dhalay Xukuumadda dalka hoggaamisa. Geesta kale waxay badi Xidhibaanadii ka hadlay madashaas oo ahaa kuwii loo qabtay Xafladu si weyn u dureen sharciyada shirka Qaran ee ay sheegeen Xisbiyada Mucaaridku inay qabanayaan.

Geesta kale Xildhibaan Cali Xasan Maxame (Cali Mareexaan) oo ahaa masuulkii u hadlay guddidii xafladan soo qaban qaabisay ayaa ka sheekeeyay awooda Xildhibaanada ku soo biiray Xisbiga, Xildhibaan Cali Mareexaan wuxuu sheegay in Xildhibaanada KULMIYE u soo digarogtay ay 5 kamid ahi ka tirsanaayeen Xisbiga UCID, halka 6 kalena ka soo jeedeen Xisbigii UDUD, wuxuuna si weyn u tilaamay inay cudud muuqata ku soo kordhinayaan Xisbiga KULMIYE isagoo u makhraati furay inay ahayeen xildhibaano door muuqda kaga jira golaha wakiilada.  Sidoo kale wuxuu Xildhibaan Cali Mareexaan ka hadlay, shirka Qaran ee ay iclaamiyeen labada Xisbi Mucaarid, isagoo arrintaas ka hadlaayana wuxuu yidhi. “Waxaan habeena dhawayd arkaayay koox lahayd shirweyne Qaran ayaanu qabanaynaa oo Telefeeshinada ka hadlaysay, laba qodob uunbu nuxurkoodu ahaa. 1.. Xaalada dalka ayaanu qiimaynaynaa, iyo shuruucda waddanka ayaanu dib u eegis ku samaynaynaa. Labada qodoba waa Dastuurjabin, waayo Golayaasha Baarlamaanka ayaa waddanka u xilsaaran qiimaynta iyo wax ka badalka shuruucda, waxaase la yaaba Guddoomiyahayagii Wakiilada oo haystay golihii uu shuruucda ka sixilahaa inuu xaggan ka dayay, waxaanu ugu baaqayna inuu dhinaca sharciga u soo noqdo”.

 

Wasiirka Warfaafinta iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa iyaguna kamid ahaa masuuliyiintii munasibadaas ka jeediyay  hadalada, waxayna si mugleh usoo dhaweeyeen Xildhibaanada kusoo biiray. Si kastaba ha ahaate Xisbiga KULMIYE oo muddooyinkiisi danbe la maqlaayay khilaafad ka dhaxeeya, ayay arrintani u noqonaysaa cudud tageero oo u soo korodhay.

Salaanmedia/Hargaysa