Shirkadda Diyaaradaha Ee Somali Airlines Oo Muddo 23 Sanno Ka Dib Bilaabaysa Duulimaadyadeedii

Somali airline

(SM:Muqdisho) Shirkadda diyaaradaha Somali Airlines ayaa lagu wadaa inay toddobaadyada soo socda dib u billowdo howlaheedii duulimaadyada ka dib 23-sano oo aanay shaqeyn, sida lagu sheegay barta Skyliner Aviation.

 

Diyaaradaha ay howsha ku billaabaysho shirkadda oo ah laba diyaaradood oo waaweyn ayaa waxaa astaantii lagu aqoon jiray diyaaradda Soomaaliya lagu saaray magaalada Budapest ee xarunta dalka Hungary, iyadoo la filayo inay soo gaadhaan toddobaadyada soo socda Muqdisho.

 

 

Noocyada diyaaradaha ay howlgelinayso shirkadda Somali Airlines ayaa kala ah: SAMair (9C, Bratislava) B737-400 iyo OM-SDA (msn 24438), iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo diyaarad ay Soomaaliya leedahay 23-sano ka dib ay ka soo dagto garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Salaanmedia/Hargaysa

xigasho Hiiraanonline