Al-Shabaab oo Baraawe, Ceelbuur iyo Buulo Burde ka mamnuucay isticmaalka Moobeelo dhawaan soo baxay

Al-Shabab pins Somalia raid on Turkey and UK

 

Ururka Al-Shabaab ayaa Magaalooyinka ay ka arimiyaan qaar kamid ah Gobalada dalka waxa ay ka mamnuuceen isticmaalka Moobeelada casriga ah ee dhawaan soo baxay.

Shacabka ku nool Magaalooyinka Baraawe, Ceelbuur iyo Buulo burde ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay ku hayaan baaritaano adag oo ku aadan isticmaalka taleefoonada cusub ee dhawaan soo baxay.

Ciidamo dharcad ah oo Al-Shabaab ah ayaa kormeeraya goobaha ganacsiga, gaar ahaan goobaha sida aadka ah loo dhigto taleefoonada ee laga jaajareesto iyo iskuulada ay isugu yimaadaan ardayda.

Taleefoonada ay mamnuuceen Al-Shabaab ayaa waxaa kamid ah Samsung Galaxy, IPhone iyo Blackbery oo intaba ah taleefoono casri ah oo dhawaan soo baxay, kuwaasi oo dadka ay si aad ah uga isticmaalaan Innertnet-ka oo ay ka galaan Facebook, What’s Up iyo aalado kale oo cusub oo ay dadka kuwada sheekeestaan.

Qof ku sugan mid kamid ah Magaalooyinka Al-Shabaab ay ka mamnuuceen taleefonadaasi oo Wakaaladaha caalamka la hadlay, ayaa sheegay in isaga oo jooga goobtiisa shaqada taleefoonkiisana uu jaajarka ku jaro ay usoo galeen saddex dhalinyaro ah oo ka qaatay Taleefoonkii uu haystay ee Blackbery.

Sababta Al-Shabaab ay dadka uga mamnuuceen isticmaalka taleefoonadaan cusub ee casriga ah ayaa lagu sheegay inay tahay in Al-Shabaab ay aaminsan yihiin taleefoonadaasi inay yihiin kuwa basaas ah oo reer galbeedka ay soo saareen una adeegsadaan fulinta danahooda gaarka ah ee ka dhanka ah Islaamka.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Mareykanka uu ku qaaday Magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha hoose, Al-Shabaab waxa ay culeesyo saarayeen shacabka ku nool goobaha ay ka taliyaan oo ay si dhaw ula socdaan dhaq-dhaqaaqooda.

Salaanmedia/Mogdisho

 
 

O