Al-shabaab Oo Sheegatay Weerar Dad Badan Ku Dhinteen Oo Maanta Lagu Qaaday Saldhig Ku Yaala Beledweyne

(SM-Beledweyne) – Dad aan tiradooda la xaqiijin ayaa ku dhintay weerar isugu jiray qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo is-rasaaseyn xoog leh.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in weerarka lala beegsaday saldhig ay ciidamadu leeyihiin oo ku yaalla Magaalada Beledweyne sida uu xaqiijiyay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Weerarkan oo dad badan ku dhinteen, ayaa waxa sheegatay Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Afhayeenka dhanka howlgallada ee x Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkii maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ay fuliyeen askar ka tirsan ciidamadooda, wuxuuna xusay in weerarkaasi lagu guuleystay “Anagaa ka danbeeynay weerarkaasi, waxaana ku dilnay 18 askari oo isugu jirta saraakiil Itoobiyaan iyo Jabuutiyaan ah, saldhiggana ciidamadayada ayaa la wareegnay”

Sheekh Abuu Muscab ayaa intaa ku daray in weerarkani uu ahaa mid ay ku bartilmaameedsadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ee ku sugan Baladweyne, mana uu sheegin cid shacab ah oo wax ku noqotay weerarka.

Salaanmedia/Mogdisho