Amin Arts oo sawir gacmeyd ka sameeyay marxalada uu ku sugan yahay Hobolka Cabdi Tahliil Warsame “Daawo”

Farshaxamiistaha weyn ee Somaliyeed Amiin Caamir “Amir Arts”, ayaa waxa uu sawir gacmeyd uu ku muujiyay, xaalada adag ee uu ku sugan yahay Hobolka weyn ee Somaliyeed Cabdi Tahliil Warsame.

Fanaanka, ayaa waxa uu ku xanuunsanayaa Guryihii Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Ex Fiyoore, oo ku yaala agagaaraha Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Dowladdii Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxay horey u balanqaaday in Hobolka Cabdi Tahliil, ay u qaadi doonto dalka Sweden, si wax looga qabto xaaladiisa caafimaadeed. Ha yeeshee aynaan taasi fulin.

Sidoo kale Dowladda iminka jirta, ayaan wax xil ah iska saarin, sidii dibadda loogu qaadi lahaa fanaanka ku xanuunsanaayay meel aan ka fogeyn Qasriga, ay ku hoydaan Madaxda Dowladda.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa lagu dhaleeceeyaa in ay dhaqaalo badan ku bixinayaan fanaaniinta qurbo joogto ah, halka ay ka sii jeesteen Tahliil. Xilli uu gacanta Qaranka u baahan yahay.

Marwada 1-aad ee dalka Sahra Cumar Xasan, oo Arbacadii booqatay guriga uu ku xanuunsanaayo Cabdi Tahliil Warsame, ayaan jirin wax balanqaad ah oo ay u sameysay.

Dadka Soomaaliyeed ee iyagu doonaaya in ay gacan u fidiyaan Hobolka Qaranka ah, ayaa waxay kala xidhiidh karaan061-5129631furaha dibadda (0025261 5129631)