Axmed Godane Oo Xidhay Horjoogayaal Ajaaniib Ah Iyo Horjoogayaal Kale Oo Naftooda Kala Baxsay(Akhriso Warbixin Dheerad Ah)

godka

Nov 19,2013 Muqdisho(SM)-Tan iyo wixii ka dambeeyey intuu soo shaac baxay khilaafka baahay ee ka dhex jira Horjoogayaasha kooxda awoodeeda la wiiqay ee Al-Shabaab ayaa horjoogaha koobaad ee kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane waxa uu isna kordhiyey dhankiisa cadaadiska uu saarayo horjoogayaasha Ajaaniibta ah ee ka tirsan ururka Al-Qaeda kuwaasi oo uu u arkay iney Qatar ku noqon karaan isaga maadaama ay jiraan horjoogayaal Ajaaniib ah oo isaga ka hor yimid kuwaasi oo qaarkood ka takhalusay ugu dambeyn sida Horjoogihii lagu magacaabi jirey Omar Hamami laakiin isagu la baxay Abuu Mansuur Al-Amriiki.

Laakiin xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo iyagu aad ugu dhow Horjooge Axmed Godane ayaa iyagu aaminsan in cadaadiska uu Godane ku hayo ajaaniibta uusan bilaaban inta khilaafka uu jiro balse uu cadaadiskaasi kol hore sii bilaabay isagoo talaabooyinka uu Ajaaniibta ku cadaadinayo ay ka mid tahay inuu dhammaan decomintiyada iyo waxyaabaha ay sitaan sida wax walba oo ay kula xiriiri karaan Al-qaacidada kale ka qaada Ajaaniibta islamarkaana meel gaar ah isugu geeya halkaasi oo uu ugu sheego inuu amnigooda ku ilaalinayo.

Inkastoo Axmed Godane uusan talaabadaasi u qaadin ilaalin uu Ajaaniibta amnigooda ilaalinayo ee uu u qaaday in uu iyaga iska ilaaliyo si aysan jiritaanka hankiisa ee xukunka la xiriira caqabad ugu noqon hadana waxaa jira horjoogayaal Ajaaniib ah oo iyagu tirayar kuwaasi oo si cad uga soo horjeestay hab dhaqanka gurracan ee Axmed Godane waayo waxa ay u arkeen waxyaabaha uu Godane sameynayo iney yihiin kuwo uu iyagu ku gumeysanayo amaba qaarkood ay ku tilmaameen dhaqan afduub,talaabadaasina waxa ay ka fogtahay wixii ay ku haminayeen marka ay Soomaaliya soo aadayeen oo ah iney xoriyad ka duwan dalalka ay kasoo carareen ee laga doon doonayey helayaan.

Ila wareedyo lagu kalsoonyahay oo aynu ka helnay gudaha kooxda Al-Shabaab ayaa sheegaya in 48kii saac ee lasoo dhaafay uu Horjooge Axmed Godane xir xiray Ajaaniib tirabadan kuwaasi oo iyagu ay soo qabqabteen Maleeshiyaadka amniyaadka oo si toos ah uga amar qaata Godane waxaana Ajaaniibtaasi la xir xiray lagasoo qabtay gobollada Jubada Dhexe, Shabeelada Hoose,Baay ,Bakool iyo Gedo qeybo ka tirsan.

Magacyada Horjoogayaasha Ajaaniibta ah ee uu Godane xarigga u geystay waxaa ka mid ah:-

Zubeyr Al-Muhaajir oo isagu heysta dhalashada dalka Britain islamarkaasina horey ugasoo dagaalamay dalal ay ka mid yihiin Afghanistan,Ciraaq iyo Yemen.

Khataab Al-Masri oo isagu dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Masar islamarkaana ay aad isugu dhowaayeen siyaasad ahaan Horjoogihii ugu tunka weynaa Ajaaniibta Al-Qaeda ee Soomaaliya yimid Abuu Mansuur Al-Amriiki ayadoo waliba uu horjoogahan Khataab Al-Masri uu soo dhigay internetka ka hor xarigiisa fariin maqal ah oo uu ku weeraray siyaasadda Axmed Godane.

Horjoogayaasha kale ee Ajaaniibta ah ee uu Godane xiray waxaa ka mid ah C/risaaq Burundi oo isaguna dhalashadiisa ay tahay Dalka Burundi,Soomaaliyana aanay waqti badan joogin.

Ka sokoow Ajaaniibtan uu Godane xiray waxaa jira Horjoogayaal kale oo Ajaaniib ah kuwaasi oo hada ay ku raad joogaan Maleeshiyada daacada u ah Godane halka ay qaar kale oo Ajaaniibta ka mid ah Godane aawgiis ay dalka uga carareen oo naftooda ay la baxsadeen waxaana horjoogayaashaasi Ajaaniibta ah ee carartay ka mid ah:-

Cismatulah Turkey,Xakiil Al-Masri,Abuu sacab Al-Shaam iyo kuwo kale oo aanay magacyadooda helin.

Xeyldheerayaal aqoon durugsan u leh arrimaha Meleteriga ayaa aaminsan in sababaha uu Gudoane ajaaniibta u xir xiray ama u bartilmaameedsanayo ka sokoow baqdinta uu ka qabo iney xukunka ku qabsadaan ama u aqoonsadaan ay tahay inuu doonayo inuu si toos u maamullo ayaga islamarkaana gacanta ugu dhigo dhaqaalle walba oo Ajaaniibta dibadda kaga imaanaya.

Waxaanay shaki ku jirin cid kasta oo ka hortimaada ammarka Axmed Godane ay muteysaneyso dil sida wadadii ay marayeen horjoogayaal isugu jiray Ajaaniib iyo Soomaali kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Ibraahin Xaaji Jaamac Miicaad oo loo yaqaanay (Ibrahin Afghan) oo ay dhalasho ahaan aad isugu dhowaayeen Godane iyo Abuu Mansuur Al-Amriiki wadadaasi oo ah in la khaarijiyo.

Salaanmedia/ Muqdisho Office