BAKHAAR, WAA TIX GABAYA OO AAD U XIISO BADAN.

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafada xorta ah sida qarannews iyo Togaherer waxa kaloon aad u salaamayaa akhristayaasha xiiseeya suugaanta.

 Ku soo dhawaada tixdan gabaya ah ee la magac baxday bakhaar. 
gabaygabaymaqaal

Tiifiiga qaran kaa beryahan, Baahiyuun qudhunne
Beluun-bay intaa sheega-yaan biidhi qaataduye
Suldaan baco-le iyo bay wataan, baacleyaal badane 

Dawladaa bukaan daran qabtoon abid bogsoonayne.

Afartaa bayaan shaye Cali iyo bahalki gaadhsiiya
Afar kalena kuwan biiqay iyo bucurde gaadhsiiyo
Bokhaarigii xadiisyada qoriyo, diinta barakaysan
Ee badawda waagay ahayd, barayay qawl suuban
Barna kama mataashid e, bakhaar faaruqaadtahaye
Baarlamaan hadii aad tadoo beled laga doorto
Oo uu dad kaa bacadka yaal bari xil kuu dhiibay 
Oo aanad biir weli u qodin iyo baraag toona
Oo hawd banaanada nugaal bookhi lagu oomay
Oo aad hal kii baylahaba buushe kaga yeeshay 
Golahaa mudaad boobaysood, baantay keligaaye

Xildhibaan xalaal baa baxsane tuugo waa belo e