Beel Ka Mid Ah Beelaha Ugu Balaadhan Somaliland Degtana Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley Ee Sida Weyn U Taageeray Xukuumada Siilaanyo Oo Haatan U Muuqda Kuwo Shagaaftooda Ka Laalaaban Raba Waqtiyada Soo Socda

xeegoNov 12,2013 Hargaysa(SM)-Tan iyo intii xukuumadan haatan talada dalka haysa ee kulmiye la wareegtay xukunka ayaa waxa isa soo taraya tabashooyin badan oo ka imanay guud ahaan beelaha ka soo jeeda Gobolada Galbeedka Somaliland ee xarunteedu tahay Magaalada Boorama.
Cabashooyinka ayaa u badan dhinacyada saamiga ay beelaha ka soo jeeda degaanadaasi ku leeyihin xukuumada dhexe ee Somaliland ee ku timid heshiiskii dhawr iyo sagaashanaadyadii lagu kala saxeexday magaalada Boorama oo xiligaas loo arkayay mid dan u ah dadk walaalaha ah ee ku noolaa goboladii

waqooyi galbeed la isku odhan jiray.
Markii hadaba taas laga yimid ayaa dadwaynaha ku dhaqan degaanadaas aan kor ku soo xusnbay waxa ay ka quul daraynayeen maamulkan cusub in uu u dhaami doono maamuladii ka horeeyay oo uu siin doono saami ka fiican saamiyadii horey ay u bixin jireen maamuladaas hore.

Waxayse lama filaan iyo amakaag ku noqtay markii uu Axmed Siilaanyo xukuumadiisa so dhisay iyada oo noqotay tii ugu liidata dhinaca saamiga kursaata wasiirada halbawlaha u ah xukuumadi taas oo gabi ahaanba laga dheereeyay iskuna taxeen hogaanka cida haysa oo ah beesha dhexe gaar ahaan jufada uu ka soo jeeda Axmed Siilaanyo.

Marka aan halkaas kaga soo baxno dulmarka guud ee xukuumada haatan gacanta ku haysa dalka Somaliland aan u soo daadego dulucda qoraalkaygan oo si gaar ah u iftiiminaya beel ka mid ah beelaha ugu balaadhan Somaliland degena goboladan Awdal/Selel iyo Gabiley ayaa mudooyinkii u danbeeyay tirsanayay cadaaladaro baahsan oo ay xukuumadani axmed Siilaanyo kula kacday.

Beeshaas oo ah beelaha Habar cafaan oo cudu ahaan markii doorashadii uu ku soo baxay Siilaanyo codka ugu badan siiyay waxaase wajigabax ku noqotay in markii salaanka lagu fuulay ay noqdeen Beeshii ugu horeysay ee cagta hoosteeda la galiyo lagana tirtiro gabi ahaan xilalkii hoose ee ay ku laahaayeen Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley.

Beeshan oo ka mid ah beelaha waawayn ee aan la dhayalsan karin cududooda Dhaqan dhaqaale,Siyaasadeed Iyo Ganacsi ayaa xubno aan sidaas u sii firfircoonayn oo dantooda gaar ahaaneed ka horumariya tii beesha ay ka soo jeedeen ugu jiraan dawlada dhexe kuwaas oo inta badan aan ilaa haatan wax cabasho ah oo ay horgeeyeen hogaanka sare ee xukuumada Axmed Siilaanyo aysan jirin mudadaas dhawrka sanno ah ee ay kursiga ku fadhiso .

Beeshan ayaa mudooyinkii uu danbeeyay waxaa ka soo ifbaxayay guux hoose iyo shirar doceedyo ka kala dhacayay dalka dibadiisa iyo gudaha Somaliland kuwaas oo ay kaga arinsanayeen sidii ay beeshu go?aan adag iskaga taagi lahayd yasida iyo cagta hoos galista xukuumada Axmed Siilaanyo kula kacday Beelwayntan Habar cafaan go?aansani lahaayeen halka sida rasmiga ah ay cududooda siyaasadeed u duldhigi lahaayeen maadaama waqti yar u hadhsan tahay xukuumadan Axmed Siilaanyo.

Beeshan ayaa sidoo kale waxaa xusid mudan in ay leedahay hogaan dhaqan oo go?aan adag leh mawqifkiisuna yahay mid aan leexleexad lahayn,sidoo kale waxa haatan miiska siyaasada dhinaca mucaaradka u saaran wiil da?yar ah oo siyaasi ruugcadaaya lana saadaalin karo in uu yahay ruuxa mustaqbalka hogaanka siyaasada u qaban doono beelwayntan habar cafaan oo intii ay jirtay Somaliland ahaa kuwo saamigoodii la duudsiiyay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la dhawrayaa waqtiyadan soo socda go?aano aan farxad galin Xukuumada Axmed Siilaanyo In Ay Ka soo baxaan shirar doceedyada hoose ee ka kala socda dalka dibadiisa iyo gudihiisa ee ay mawqif adag kaga qaadanayaan xukuumadan axmed Siilaanyo ee ay ku habsatay cadaaladarada iyo musuqmaasuqa haybta Qabiil ku socota.?

C/naasir C/laahi Cumar ?C/naasir Dheer?

Hargeysa-Somaliland