British Somaliland Council oo Hambalyo u diraysa Dahabshiil Group gushii ay soo hooyeen.

Picture 578
Dhamaan hawl-wadeenada British somaliland Council ( BSC ) uk, iyagoo qayb laxaadle ka soo qaatay ololihii ka hor taga joojinta xawaaladaha Soomaalida, waxay halkan hambalyo iyo taageero u dirayaan Dahabshiil Group, go’aankii ay Maxkamada sare ee Uk ay ka gaadhay dacwadii u dhaxaysay Dahabshiil iyo Barclays bank, oo ay ku amartay in aanu baanku xidhi karin xisaabta xawaalada Dahabshiil uuga furan baankaasi iyo xawaaladaha kale Soomalida oo adeeg muhiim ah u haya dhamaan qoomiyadaha ku nool geeska Afrika iyo guud ahaanba qoomiyada Somalida meel kastoo ay joogaan.
Picture 569
 
Uugu danbeyntii BSC, oo soo dhawaysay Go’aankan  waxay maxkamda iyo dawlada Britain ka dhawraysaa in ay dhamaadka sanadkan sida la filayo uu xalku noqdo inay xawaaladaha Soomalidu sidoodaas caadiga ah u shaqeeyn doonaan.
 
Alla Mahad leh
 
Cali xiis
Madaxa Warbahinta Bsc.
London, Uk