Cagafyo Waa Weyn Oo Ah Kuwa Loo Adeegsado Dhismaha Wadooyinka Oo Gaadhay Magaaladda Ceerigaabo.

(SM-Geerigaabo) Gaadiidkan oo ka kooban Laba cagaf-cagafyada Waddooyinka ka shaqeeya iyo Hal booyad oo dhowaan kazoo degey dekedda Berbera ayaa waxay soo gaadheen magaala-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo. Gaadiidkan oo muddo dheer ay ku hawl lanaayeen Maayorka iyo xubnaha kale golaha degaanka Ceerigaabo ayaa waxay u muuqdaan tallaabada ugu muhiimsan horumarka weyn ee tan iyo intii ay xilkan hayeen golaha degaanka Ceerigaabo waqtigooda iyo maalkooda iyo maskaxdoodaba u hurayeen.

Waxayna sidoo kale gaadiidkani wax weyn ka tari doonaan bannaynta waddooyinka Iyo bilicda magaalada Ceerigaabo oo dhisme ahaan ka mid ah magaalooyinka ugu qurxoon Somaliland. Waxayna sidoo kale halbowle u noqon doonaan dhammaystirka waddooyinka isugu jira laamiga iyo carra-tuurka ee laga wado gudaha Ceerigaabo iyo weliba dhismaha waddada laamiga isku xidhi doona gobolka Sanaag iyo Somaliland inteeda kale. Sikastaba ha ahaatee waxa la filayaa maalmaha foodda innaku soo haya in gaadiidkani gudaha Ceerigaabo ka bilaabi doonaan hawlahooda hagaajinta waddooyinka iyo bilicda magaaladaba. Sidoo kalena bulshada ku dhaqan Ceerigaabo oo si weyn usoo dhoweeyey gaadiidkan ayaa laga filayaa in ay u diyaar garoobaan oo si weyn ugu gacan siiyaan gaadiidkan iyo golaha degaanka tallaaba kasta oo qurxinta magaalada iyo waddooyinka oo ay ku dhaqaaqaan.