DAAWO: Madaxweyne Xasan Sheekh “Macalinku Waa Nolosha Dalka”

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinta Macallinka ka hadlayey ayaa aad u ammaanay doorka macallimiinta Soomaaliyeed ay ka qaataan horumarka iyo Isbedelka Dalka oo uuna yiri “Macalinku waa Nolosha Dalka.”

Madaxweynahu waxuu yidhi “ Macallimiintu waxey aasaas adag u dhigeen mustaqbalka dadka soo koraya oo helay waxbarasho tayeysan, oo ay ka hortageen fikirka xagjirka ah, isla markaana ay diyaar u yihiin inay bulshada ku hoggaamiyaan nolol wanaagsan.”

“21kii November ayaa waddanka laga xusaa maalinta Macalinka oo taariikh weyn ku lah Soomaaliya. Maanta dalku waxuu galay marxalad nabad ah oo tusaale u ah sida macalinka iyo waxbarashada ay uga adkaaneyso collaadaha iyo rabshadaha. Macalaimiintana waxey door muhiim ah ka soo qaateen sidii dalku uga dhici lahaa isbedel dhanka nabadda ah oo laga soo kabanayo collaadihii. Waxbarashada in muddo ah baan ku soo jirey oo qeyb weyn oo nolosheyda ah aan bahda waxbarashada ahaa, waana inaan macalimiinta siinaa ixtiraamka iyo sharfka ay naga wada mudan yihiin.”

Madaxweynaha ayaa ammaanay doorka geesinimada ah ee macalimiinta Soomaaliyeed. “Fikirka xagjirka ah waxaa lagula dagaali karaa iyadoo waxbarasho tayeysan la siiyo caruurta Soomaaliyeed. Dhowaan ayey aheyd markii culumada Soomaaliyeed ay shirkoodii heerka Qaran ee Xagjirnimada ay isku wada raaceen in si wada jir ah loola dagaalo fikirka xagjirka ah.”

Salaanmedia/ Muqdisho