Daawo Muqaal: 100 qof oo ku dhimatay Deegaanada Puntland iyo Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay


48 saacadood kadib markii Duufaanta Tropical Cyclone, ay ku dhufatay deegaanada Puntland ee ku teedsan Xeebaha Badweynta Hindiya, ayaa waxay halkaasi ka geysatay khasaaro culus.

Deegaanada Gardafuu, Bandarbayla, Eyl iyo deegaano miyiga dhaca, ayay khasaaraha xoogan ka geysatay duufaanta loogu magac daray Duufaanta Tropical Cyclone.

Ilaa 100 qof, ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen deegaanada ay ku dhufatay duufaanta Duufaantaan. Halka ay jiraan khasaaro lixaad leh oo maaliyadeed.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ku hoobtay duufaanta.

Madaxweynaha, ayaa wuxuu ku dhawaaqay Guddiga xaalada deg degga iyo gargaarka dadka tabaaleysan ee Puntland (Puntland Disaster Management & rescue Committee).

Faroole, ayaa sidoo kale ganacsatada iyo shacabka reer Puntland ugu baaqay, in ay gargaar u fidiyaan dadka ku waxyeeloobay duufaanta.

Salaanmedia/Mogdisho