Daawo Muqaal Cajiib Ah: Wariye Soomaaliyeed oo soo bandhigay Goob Mucjiso ah oo Quraanka lagu sheegay.

Wariyahani oo lagu magacaabo Mohamed Muse Noor kuna magac dheer Deeq Darajo oo ah wariye ka tirsan Bahda Tv-ga Universal ee ugu soo warama Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Africa ayaa muuqaal oo ka diyaariyey Meel Mucjiso ah oo lagu sheegay Quraanka kariimka isla markaana ay kusoo degtay Aayado badan oo ka hadlaya Arimahaasi ayaa waxaa uu soo bandhigayaa Tusaalooyin Muhiim ah.

 

Wuxuuna sidoo kale wax ka weydiinayaan Sheekh Caan ka ah gudaha Soomaaliya oo si weyn loo wada yaqaano kaasi oo lagu magacaabo Sheekh Maxamud Maxamed Shible oo isagane Faah Faahinaya.

Haddaba Arintaasi oo dad badan oo Soomaaliyeed oo horey u maqlay oo aad ugu xiisa qabay ayaa si weyn usoo dhaweyey isla markaana daawaday Muuqaalkani ayaa hadana waxaa door bidnay in aan la wadaagno Daawadayaasha intooda kale oo aanan weli daawan.

Isku soo wada duuboo goobaha Taariikhiga ah ee lagu sheegay Quraanka Kariimka ayaa meelo badan aduunka kaga yaala waxana mar walba u dalxiis taga dad badan oo Islaam ah.

Halkan ka daawo video dad badan ay sugayeen

Salaanmedia/Mogdisho