Daawo Muqaal.. Hooyo Soomaaliyeed oo la Takooray lana jirdilay Nasabkeeda iyo Diinteeda darteed.

Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool wadan ka mid ah dalalka Qurbaha ayaa ka sheekeynaysa Xaalad aad u xun oo si weyn u dhibsadeen dhamaan Soomaalida iyo Muslimiinta oo dhan, Waxana arinteeda laga soo daayey Tv-yada caalamka iyo wargeysyada wax lagu qoro waana arinta ugu culus ee saxaafada reer Galbeedka hadal haayaan.

Hooyadani oo ku nool dalka Maraykanka ayaa guriga usoo galay dad u diidan nolosheeda iyo Diinteeda waana tan oo ka sheekaynaysa iyadoo oo soo gucaynayso wixii dhacay oo aad looga argagaxay intii daawatay iyo intii maqashayba.

Marar badan oo sidaan oo kale ah ayay dhacdaa qisooyinkani kuwo la mid ah ama shaabaha ama takoor dhanka bili’aadanimada ah inkastoo weli wadankeena uu ka soo kabsanayo haraadigii colaadaha ay ku reebeen hadana dadka soomaaliyeed ee qurbaha jooga waxay soo sheegayaan in aysan weligooda arkaynin dal u dhaama wadankooda hooyo ee Soomaaliya.


Dhacdooyinkani ayaa noqonaya kuwo qormaya oo taariikhda xusi doonta waxana lagula xisaabtami doonaa wadamada ay dhibaatooyinkani ay ka dhaceen iyo dadka geystay inkastoo ay jiraan galal badan oo dacwado ay wax ka qabteen wadamada ay ka dhacday falalkaasi oo kale iyagane taariikhda ayaa xusi doonta wanaag iyo samaan intaba.