Daawo Muqaal: Inan(Wiil) Soomaali ah oo 14 Sano Jir ah oo horey u dilay wiil 5 Sano Jir Soomaali ah oo Lagu Xukumay 24 Sano

Wiil(Inan)horey u dilay wiil yar oo Soomaali ah oo ku nool dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in maxkamad ku taal dalkaas Mareykank ay ku riday xukun gaadhayo ilaa iyo 24 sanadood ka dib markii uu wiilkaas qirtey inuu dilay wiilkaas yar ee Soomaaliga

Wiilkaan gacan ku dhiiglaha ah oo aan magaciisa la shaacin maadaama ay da’adiisu yar tahay oo uusan qaan gaadhin laakiinse la sheegay inuu yahay 14 sano jir ayaa horey waxaa uu u dilay wiil yar oo Soomaali ah oo lagu magacaabi jirey Sida Cisman oo 5 sano jir ahaa ka dib markii uu madaxa ka garaacay oo uuna kala dhacay banooniga adag ee lagu cayaaro bowlinka iyadoona uu dilkaas uu ka dhacay magaalada Fort Worth ee gobolka Texas ee dalkaas Mareykanka dhamaadka bishii Juun ee sanadkaan,

Wiilkaan yar oo markii maxkamada la horkeenay qirtey dambigaas ayaa arintaas waxay fududeysay in si dhaqso ah uu u dhaco xukunkaas iyadoona wiilkaan loo tixgaliyey qirashada dambigiisa iyo heshiiskii hore ee ahaa inuu qirto dambigaas islamarkaana laga fuudeeyey xukunkii ku dhici lahaa oo gaari karaayey in ka badan ilaa iyo 40 sanadood oo xarig ah.

Ugu dambeyntiina iyadoo wiilkaas lagu xukumay xabsigaas 23 ka sanadood ah ayaa waxaa la sheegay inuu wiilkaas uu ka muuqday naxdin iyo ka xumaasho dhibaatada uu geystay asagoona xilligii ay maxkamada socotey uu qoyska wiilkii uu dilay ee ku sugnaa goobtaas weydiistey cafis islamarkaana raali galin ka bixiyey dambiga uu galay xilli ay indhihiisu ay ilmada ka qubanaysay wiilkaas, Hooyada dhashay wiilkaas yar ee la dilay oo soo xaadirtey maxkamadaas ayaa waxay sheegtay iyadoo ooynaysa inay dhaawac wey soo gaartey nolosha qoyskooda iskamarkaana ay tebaan maalin walba wiilkaas yar ee ka geeriyooday, Hoos ka daawo muuqaalka

.Salaanmedia/Nairobi