DAAWO Muqaal: Muuqaalkani oo Caalamka oo dhan ka yaabiyay..laba caruura oo mataano ah oo aad isu jecel.

Caruurtan Mataanaha ah ee dhawaan la dhashay ayaa muuqaalkooda noqday mid caan ah ayagoo diidanba in ay kala fugadaan markii loo maydhayo waxeyna kaliya doonayaan in ay bogga iskugu haystaan sida xilliga hooyadood uurkeeda ay ku jireen oo aysan ifka usoo baxin kahor.

Waxaa cilmi baadhistan isjaceylka labadan caruur lagu ogaaday xilli ay kallkaaliso u dhalatay Faransiiska oo lagu magacaabo Sonia Rochel ay sameysay maydhis raaxo u leh caruurta oo caafimaad ahaana u wanaagsan ahna spa, waxaana labadan mataanaha ahi ay noqdeen kuwa caan ka dhigay farsamadaasi oo waxey ku seexdeen oo ay iskul dhageen xiligii loo maydhaayey waxayna  diideenba in ay kala fuqaan.