Daawo Muuqaal Nin Soomaali ah oo si cajiib ah oo la yaab leh kaga baxsaday Booliska Dalkaas Ingiriiska iyo Ninkaan oo …

Nin Soomaali ah oo si cajiib ah oo la yaab leh kaga baxsaday Booliska dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay in la’la yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay iyadoona ay baadi goob xoogan ay ugu jiraan sirdoonka iyo booliisk dalkaas Ingiriiska sidii ay mar dambe au gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ninkaas Soomaaliga.

Ninkaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Maxammed Axmed Maxamed oo 27 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu kaga baxsaday sirdoonka dalkaas Ingiriiska oo ilaalo ka haayey si cajiib ah oo la yaab leh, Ninkaan Soomaaliga ayaa waxaa la sheegay inuu soo xaadirey maalintii Jimcada masaajidka lagu magacaabo Al-Noor Masjid oo ku yaala xaafada Acton ee galbeedka magaalada London asaga oo ah qof caadi ahaan u labisan laakiin ninkaas ayaa markii uu ka baxaayey masaajidka waxaa uu xidhay ama uu ku labistey sidii qof dumar ah asagoona ku labistey xijaabka ama indhoshareerka ay qaataan haweenka muslimiinta ah ka dibna uu masaajidkii sidaas uga baxay xili ay sirdoonka dalkaas Ingiriiska oo dusha ka ilaalinaayey ninkaas aysan ka war halin ka bixitaanka ninkaas ee masaajidka arintaas oo keentay inay goor dambe ay ku soo baraarugeen ka dib markii ay waayeen ninkaas meel uu jaan iyo cirib dhigay, Ninkaan Soomaaliga oo ka mid ah dad ay sirdoonka dalka Ingiriisku ay isha ku hayaan lana socdaan dhaqdhaqaaqooda maadaama looga shakisan yahay arimo la xidhiidha argagaxisanimo islamarkaana loo arko inuu khatar ku yahay dadka iyo dalka Ingiriiska ayaa baxsashadiisa waxay dhalisay muran iyo wel wel fara badan.

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas Soomaaliga ah ee ka baxsaday sirdoonka dalkaas Ingiriiska aan la ogeyn meel uu jaan iyo cirib dhigay ayaa waxaa baadhitaan xoog leh la saarey goobaha looga baxa dibada dalkaas Ingiriiska si uusan ninkaas uga dhoofin dalkaas Ingiriiska, Arinta ninkaan oo ah mid khatar weyn loo arko ayaa xildhibaanada barlamaanka dalkaas Ingiriiska waxaa ku wargalisay arintaas wasiirka arimaha gudaha ee dalkaas Ingiriiska haweenyda lagu magacaabo Theresa May ayadoona u sheegtay xildhibaanada in ninkaas oo ilaalo laga haayey uu ka baxsaday sirdoonkii ilaalada ka haayey, ninkaas ayaa sheegtay inuusan waqtigaan xaadirka ah khatar ku ahayn dalka Ingiriiska arintaas oo ay qaar ka mid ah xildhibaanadu ay ka cardhoodeen.

Dadweynaha dalkaas Ingiriisk ayaa lagu wargaliyey cidii aragta ama warkiisa haysa ninkaas inay la soo xidhiidhaan booliiska dalkaas Ingiriiska oo ayna isku dayin inay qabtaan ninkaas, Sanadkii hore dhamaadkiisii ayaa waxaa sidaas oo kale uga baxsaday sirdoonka Ingiriiska nin kale oo Soomaali ahaa oo lala xidhiidhi inuu ku lug leeyahay argagagxisada oo lagu magacaabo Ibraahim Maygaag iyadoona ilaa iyo hada aan ninkaas warkisa la hayn iyo meel uu ku sugan yahay.

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com