DAAWO MUUQAAL XIISO LEH: Maxaad ka taqaanaa siyaasiga uu Amin Caamir taageero:


Amiin Caamir ayaa inta badan wuxuu ka sameeyaa sawiro uu ku dhaliilayo cida uu ku dheganyahay
markaas, isagoo dhanka kalena amaana cida uu taageero, sawiradiisa ayaana wuxuu Inta badan ku
muujiyaa siyaasada Soomaaliya iyo halka eey mareeyso.
Siyaasiyiita ugu badan amiin caamir aad buu u eedeeyaa, walow laga yaabo inuu nin uu shalay
eedeeyay maantana amaano oo aysan siyaasadu saaxiib joogta laheyn, balse Maxamed Cabdillaahi
Farmaajo ayaa noqday shaqsiga kali ah ee Amin Caamir uu mar walbo amaan iyo taageero u muujiyo,
taasoo dadku ay siyaabo kala duwan u fasireen.

amin arts

amin-arts

 

 

 

 

 

 

Amin-arts 2

Amin-arts-2
Hadaba Waxaan idiin soo gudbineyna sababta uu amin caamir u amaano farmaajo
isagoo madaxda kale Isugu dara Aflagaado iyo dhaliil intaba.
Ugu horeyn waxaa xaqiiqo ah oo Soomaali badna aaminsan tahay in uu Farmaajo yahay nin wadani ah
wax badana qabtay xiligii uu Ra’iisul wasaaraha ahaa isagoo bulshada qalbigeeda iyo taageeradeeda
kasbaday, balse waxaa sidoo kale jirta in amin caamir uu marwalba sheego in farmaajo ay saaxiibo
yihiin oo ay isla soo koreen sida aad ku arki doontaan Video gan aan Hoos idin kugu soo gudbineyno oo
eey isla fadhiyaan isaga iyo Farmaajo.
Inkastoo qofka uu taageeri karo qof, oo uu xor u yahay codkiisa, hadane sida hadalka amiin caamir uu
sheegayo ee ah in Eey isla soo koreen Ayaan aheyn wax qof ku taageeri karo qof kale oo eey isku meel
ku soo koreen taas badalkeedana Qofka aad ku taageerto fakarka uu Qofkaas aaminsanyahay, hadaba
sidoo kale halkaan hoose ka daawo sawirada amin caamir uu ka sameeyay farmaajo.

Salaanmedia/Mogdisho