Daawo Sawirada: Raa’isal Wasaare Ku Xigeenka Itoobiya oo soo gaadhay Magaalada Muqdisho

 

tedro12

Madaxweynaha Dowladda  Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu maanta uu Magaalada Muqdisho, uu ku qaabilay R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda ee Itoobiya Dr. Tedros Adhonom.

Madaxweynaha, ayaa waxa uu Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, uu ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya iyo xubno kale, oo la socday.

Wasiirka iyo wefdigiisa, ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo soo dhaweyntoodu ay ka qayb qaateen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumada Itoobiya, ayaa garwadeen ka ahaa heshiiskii Dowladda iyo Maamulka Jubba, ay ku wada gaareen Magaalada Addis Ababa, daba yaaqadii bishii August.

Dr. Tedros Adhonom, ayaa wuxuu ka qayb galay Shirweynaha dib u heshiisiinta ee beelaha Jubbooyinka, oo galabta lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.

tedro11
tedro12
tedro13
tedro14
tedro15