Daawo Sawirada”Hogaamiye Axmed Madoobe oo goor dhow Muqdisho soo gaaray iyo shirkii Jubooyinka oo illaa beri dib u dhacay

Garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa goor dhow soo gaaray wafdi balaaran oo uu horkacayo hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe.

Waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey wafdigaas masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia, waxayna duhurnimadii maanta ka soo dhoofeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

Axmed madoobe wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ee ka furmaya magaalada Muqdisho kaasoo ay soo abaabushay dowlada Somalia.

Egooyin ka qeyb galaya shirweynahaas oo ka yimid magaalada Kismaayo ayaa iyana dayuurad kale waxay keentay Muqdisho duhurnimadii maanta, waxaana lagu wadaa in madaxweynaha Somalia uu goor dhow furo shirweynahaas.

Dhinaca kale, warar laga helayo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Somalia aya sheegaya inuu dib u dhacay shirkii dib u heshiisiinta jubooyinka ee galabta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho, iyadoo wararkuna intaa ku darayaan sababo farsamo awgeed ii illaa beri dib loo dhigay.

Salaanmedia/Mogdisho