Daawo Sawiro….Xuska ciidamadii reer Somaliland ee ku dhintay dagaaladdii dunida oo ka dhacay London

Xuska ciidamadii reer Somaliland ee ku dhintay dagaaladdii dunida oo ka dhacay London

IMG_1975

IMG_1974 IMG_1975 IMG_1989 IMG_1990 IMG_1996 IMG_2002 IMG_2004 IMG_2005 IMG_2013 IMG_2022 IMG_2036 IMG_2040 IMG_2043 IMG_2058 IMG_2064 IMG_2067 IMG_2069 IMG_2072 IMG_2077 IMG_2080 IMG_2081 IMG_2082 IMG_2083 IMG_2088 IMG_2090 IMG_2091 IMG_2093 IMG_2096 IMG_2098Magaalada London iyo guud ahaan dalka Ingiriiska waxa ay maanta oo Axadda bishan November-na tahay 10 aheyd maalinta la yidhahdo Axadda Xuska amma Remembrance Sunday oo lagu xuso ciidamadii Ingiriiska iyo kuwii ka garab dagaalamayay-ba ee dagaaladdii adduunka ee koowaad iyo labaad ku dhintay.Kulankan Muhiimka ahaa oo ay soo qaban-qaabiyeen Sahan Centre oo xarun ku leh galbeedka London ,hawlo fara badan oo Somaliland ku saabsan had iyo jeer ku hawlah.

 1391715_10200476415747000_517238618_n

Xuska sanadkan 2013-ku wuxu si gaar ah taariikhda u gallay in markii ugu horaysay la xuso ciidamadii reer Somaliland ee kasoo qayb gallay dagaaladaas oo ay markaa xusayeen jaaliyada reer Somaliland ee ku nool magaalada London.  Xuskan oo ay soo hindiseen ururka la yidhahdo Sahan Society waxa kasoo qayb gallay dadka hogaamiya ururada reer Somaliland ee London, safiirka Jamhuuriyada Somaliland ee UK mudane Cali Aden Cawaale iyo xubno ka tirsan ururka dallada ah ee Somaliland Society Europe (SSE).  Waxa bushqad ubaxa dhiggay goobta xuska safiirka JSL mudane Cali Aden Cawaale.

 IMG_2002

 

Xuskani wuxu ka dhacay badhtamaha magaalada London fagaaraha la yidhahdo Commonwealth Memorial Gates oo loogu tallo gallay in lagu maamuso ciidamadii ka qayb qaatay dagaaladdii addunka, islamarkaana kasoo jeeday dalalkii Ingiriisku gumaysan jiray.  Waxa xusid mudan in taaladaas oo lagu xusay dhammaan dalalkii ay kasoo jeedeen ciidamadaasi uu ku jiro magaca Somaliland.

 IMG_2005

 

Dadkii kalee kasoo xaadiray goobtaas lagu xusayay ciidamadii kasoo jeeday Commonwealth-ka ayaa su’aalo la boobayay dadkii reer Somaliland oo calanka JSL kor u lulayay waydiinayay-na calanku dalka uu matalo iyo sababta ay goobta xuska iskugu yimaadeen.  Waxa dadkii reer Somaliland ee xuska kasoo xaadiray uga warameen dadkii kale taariikhda Somaliland iyo sababta ay goobtaas u joogeen.  Iskusoo duubo waxa maanta badhtamaha London ka dhacay munaasibad taariikhi ah oo diwaanka umadda reer Somaliland galli doonta.Waxa maanta guud ahaan dalkan Ingiriiska aad looga dareemayaa munaasabadan loogu debaal-degaayo iyo guud ahaan dad kale oo aad u farabadan oo caalamka ka yimid oo aad ula yaabsanaa sida quruxda badan ee dabaaldegani u dhacaayo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xamse Axmed Salaan

Salaan Media, London

info@salaanmedia.com