Daawo Sawirrada Madaxwayne Faroole Oo Xalfad Sagootin Ah U Sameeyay Baarlamaanka Puntland

Nov 1, 2013 Hargeysa(SM) – Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa xalay xaflad sagootin ah xarunta madaxtoyada Garowe ugu qabtay Mudanayaasha Barlamanka waqtigiisu dhamaaday, waxana kasoo qayb galay Gollayaasha dowlada,Isimo,Culimo,safaarada Ethiopia iyo dadwayne kala duwan oo bulshada rayidka ka socday.

Waxaa lasoo jeediyay khudbado kala duwan oo dhamaantood ka hadlaya waxyaabihii ay qabteen baarlamaankii hore iyo sida loogu diyaar garoobay soo xulista baarlamaanka cusub.

Garaad Cabdilaahi Cali Ciid,Sudaan Cabdilaahi Jeenacad iyo Boqor Cabdilaahi Axmed ayaa soo jeediyay dardaar kala duwan, waxayna sheegen inay muhiim tahay in guud ahaanba laga wada shaqeeyo maslaxada umadda iyo nabadgalyada guud ee Puntland.  Kooxda fanaaniinta waaberi ayaa soo bandhigay suugaan iyo murti soo jiitay indhaha dadkii ka soo qaybgalay xaflada.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa soo jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa uu ku sheegay inay hayaan xog badan oo xaalada dalka ku saabsan sidaasi darteedna looga baahan yahay Odayaasha dhaqanka inay dib usoo magacaabaan Baarlamaanka dhamaaday.

Waxa uu sheegay Mudane Xirsi in xiligan Puntland aysan u baahnayn khilaaf iyo isqab-qabsi loona baahanyahay in dhamaan loo istaago horumarinta Puntland.

Madaxweyne Farole ayaa soo xiray khudbadaha madasha oo uga mahaceliyay mudanayaasha Barlamanka shaqadii ay soo hayeen shantii sanno ee la soo dhaafay, isagoo ku tilmaamay inay qabteen wax aan la iska indho tiri Karin.

Waxa uu cadeeyay Dr.Farole in ansixintii dastuurka Puntland ugu horeyso hawlaha lagu amaanayo Xildhibanaada Puntand shaqooyinkii ay qabteen, isagoona raacshay in isaga iyo madaxweyne ku xigeenku u taaganyhiin marka kale xilkooda.

‘’Aniga , Madaxweyne ku xigeenka iyo golaha wasiirada intaba doorasho ayaan u dareyraynaa hadii Rabi idmo, hadii aan soo noqona meeshii baan ka sii wadaynaa, hadii aan ka baaqsanona taariikhda ayaa ina sheegaysa dadkayagana waa ka mid noqoneynaa’’ Ayuu yiri Madaxweyne Farole.

Waxa uu xusay madaxweynuhu inay qorshaynayaan qabsoomida doorasho nabadgelyo iyo si xalaal ah ku dhacda, iyadoona amniga iyo ciidanka uu ku baaqay Farole in lagu kalsoonaado.

‘’Puntland cadow shisheeye iyo mid sokeeyeba waa leedahay oo diidan inay noolaato, waxaan u taaganahay Somalia maadaama aanu asaasayaashi dowladda Soomaaliyeed’’ Ayuu raacshay warkii Madaxweyne Farole.

Waxa laga dhur sugayaa odayaasha dhaqanka Puntland oo soo xulaya xildhibaanada cusub, waxana ka socda Puntland olole ay xubno badani ugu jiraan sidii ay ku helilahaayeen kuraasta Barlamanka ee 66-da ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Salaanmedia/ Hargeys Office