Daawo Video : Heshiis Laga Gaadhay Celinta Qaxootiga Soomaalida Ku Sugan Kenya

Nov 11,2013(SM)-Dawladaha Somalia iyo Kenya ayaa shaaciyey inay heshiis ka gaadheen in qaxooti Soomaali ah oo ka badan 1 milyan oo Kenya ku sugani ay si isxilqaan ah dalkooda ugu noqdaan. Heshiiskan oo shalay gaadhay ayaa waxa ku dhawaaqay madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Fowzia Yuusuf Xaaji Aadam. Heshiisku ma sheegayo xilli go’an oo qaxootiga la celinayo, hase yeeshee waxa uu qeexayaa in illaa 3 sano ay qaadan karto. Saraakiil labada dalka ka tiran ayaa sheegay in qaxooti Soomaali ah oo gaadhaya 80 kun ay dantood Somalia ugu noqdeen dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Daawo Muqaalka Heshiiska