“Dadaal Dheer,Wada-Tashi Iyo Kulammo Is-Xig-Xiga Oo Aan La Kala Yeeshay ….”Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia

(SM:Muqdisho) Wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, ahna ra’iisul wasaare ku xigeen, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ogolaadeen in in la taageero ciidamada xoogga dalka iyo kordhinta ciidamada AMISOM.

“Xubnaha golaha ammaanka waxay dhageysteen warbixin shirkii dhacay 30-kii bishii hore ka jeediyay ku xigeenka xoghayaha guud ee QM, Jan Eliasson oo qiray guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaadheen ciidamada Soomaaliya  iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM dagaalladii lala galay Al-shabaab,” ayay  tidhi Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan

“Dadaal dheer, wadatashi iyo kulammo is-xig-xiga oo aan la kala yeeshay xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ayaa waxaan iskula garannay in ciidamada xoogga dalka oo tababarro helay laga helay dhinaca qalabeynta iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin, kuwaasoo wax ka tari doona kor u qaaidda awoodda ciidamada xoogga dalka,” ay mar kale tidhi wasiirad

Salaanmedia/Mogdisho