Dawlada Somaliya oo qorshaynaysa In Ay Diyaaradaha Waaweyn Ka joojiso Somaliland Kana Dajiso Muqdisho

Dawlada Somaliya Oo Doonaysa In Ay Diyaaradaha Waaweyn Ka Xidho Somaliland Kana Dajiso Muqdisho

SOMALILAND

Nov 1,2013 Hargaysa(SM) Xukuumadda Somaliya ayaa maleegaysa qorshe kale oo burinaya Heshiiskii ugu danbeeyey ee ay Somaliland kula soo negashay Dalka Turkiga ee ahaa in labada Dal ka wada shaqeeyaan arrinta Hawada iyo Duulimaadyadda.

Qoddobkan oo ahaa Qoddobka kali ah ee ka soo hadhay wadahadaladii toddobada Qudub ahaa ee lagu lafa guray shirkii ugu danbeeyey ee Somaliland iyo Somaliya ku wada yeesheen Turkiga ayaa dhinaca Somaliya hore uga burey kadib markii Qaramada Midoobay ku wareejisay maamulka Hawada taasoo keentay in Somaliland dhaleecayso arrintaasi.

Hase yeeshee, qorshaha ay Somaliya kula wareegtay maamulka Hawada ee ay qaramada Midoobay u gacan gelisay ayaa waxa ku soo kordhaya sida ay Ilo wareedyo u dhuun daloola dhaqdhaqaada Dawladda Somaliya sheegayaan in ay soo saarayso amar ah in ay joojiso duulimaadyadda Diyaaradaha Waaweyn ee ka dega madaaradda Somaliland sida Berbera iyo Hargeysa.

Qorshahan ayaa la sheegayaa Dawladda Somaliya in ay uga dan leedahay sidii ay dhamaan diyaaraduhu ugu soo xidhmi lahaayeen Madaarka Muqdisho oo kali ah si Goboladda kale ee dalka oo dhan oo ay Somaliland ku jirtana ay shirkadduhu Duulimaadyo yar yar oo u daad gura oo dalka gudihiisa uun ka shaqeeya u keensan lahaayeen.

Xogtan oo ay isha ku hayaan shirkadaha Duulimaadyada ayaa u muuqda mid soo shaac baxaya oo soo gaadhay shirkadaha diyaaradaha waaweyn hase yeeshee ma muuqato talaabo Xukuumadda Somaliland ay ka qaaday oo ay kaga gaashaamanayso arrintan.

Talaabadan haddii ay Dawladda Somaliya kaga dhabayso waxa ay noqonaysaa cadaawadii labaad ee ay kula kacdo Somaliland tan iyo intii ay ka baxday Ku meel gaadhka ee loo aqoonsaday Dawladda rasmi ah, waxaany noqonaysaa qorshihii labaad ee ay ku talaabsato iyadoo ka faa’iidaysanaysa xidhiidhada ay dawladaha ictiraafay la samaysay mudadii ay ku jirtay wadahadalada ay kula jirto Somaliland.

Hore waxa ay weerar ugu qaaday baasaaboorka Somaliland iyo kii Somaliyadii hore oo ay dawladdo badani Aqoonsanayeen talaabadaas oo keentay in ay Dadweynaha Reer Somaliland caqabado kala duwan kala kulmeen durtaba dhinacii Socdaalka.

Muranka baasaaboorka Somaliya iyo ka Somaliland ayaa keenay in ay labada dhinac ku talaabsadaan dagaal hoose, waxaanay Somaliland dhinaceeda ku talaanbsatay in ay dalkeeda ka mamnuucdo isticmaalka Baasaaboorka Somaliga (E-pasport), sidoo kalena waxay qaaday sida uu Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland sheegay mar uu laantA Af-ka Somaliga ee BBC-da u waramayey dhaqdhaqaaq Dublamaasiyadeed oo ay ku xoojinayaan dalalka jaarka ah eeAqoonsan Baasaaboorlka Somaliland.

Xurgufta Siyaasadeed ee labada dhinac ayaa u muuqata in ay galayso marxalad sababi karta in labada Dal joojiyaan wadahadaladii u socday isla markaana uu u beryi doono waji dublamaasiyadeed oo cakiran.

Salaanmedia Hargaysa Office

source waaheen