Dawladaha gees Africa oo Somaliland ku jirto oo u tartamaya gacan ku dhigida qalabka casriga ah ee shirkada medicare

View photo in message

Iyadoo ay qayb ka tahay mashaariicda barnaamijka horumarinta  sanduuqa Africa ee u madaxda ka yahay Hussein alishaqi ee  kala duwan kuna waajahan wax ka qabadka baahiyaha faraha badan ee ka jira gees Afrika gaar ahaan, ayaa wax dhawaan kulan dhex maray wasiirka caafimaadka ee Uganda mudane  H.E. Dr Elioda Tumwesigye,maareeyihiisa iyo xubno kale oo ka tirsan wasaarada  iyo madaxda qaybta caafimaadka ee sanduuqan horumarinta  oo lagu magacaabo medicare  oo u goob joog ka ahaa mareeyaha guud ee shirkadu Mr K.Newham.

View photo in message

Shirkan oo ka dhacay magaalada London ayaa wasiirka Dr Elioda Tumwesigye  iyo medi care ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka caafimaad ee ka jira dalka Ugaanda, gaar ahaan xanuunka loo yaqaan (HIV/AIDS) iyo malaariyada, halkaas oo shirkada medicare ay ballan qaaday inay ka dhisi doonto xaruun caafimaad oo lagaga hortago xanuunanada, waxay sidoo kale ballan qaaday shirkado inay  u dirto dalka Uganda qalab casriya oo lagu baadho xanuunka (HIV/AIDS). Qalabkan ayaa noqonaya kii ugu  horeeyay noociisa oo la geeyo Uganda oo qofka u fudaydinaya inuu isagu iskii isku baadhi karo isagoo qalabkan adeegsanaya.

Waxa iyaguna sidoo kale ka codsay shirkada medicare  wasaarada caafimaadka Ethiopia oo u matilayo wasiirka caafimadku mar ay kulan la yeesheen madaxda shirkadan in sida ugu dhakhsaha badan loo soo gaadhsiiyo qalabkan is baadhista oo wax wayn ka tari kara ayuu yidhi wasiirku la dagaalanka (HIV/AIDS) oo dhibaato badan ku haya dalka Ethiopia.

Waxaana xusid mudan in adeega shirkada medicare ayna ku koobnaan doonin labadan dal, hase ahaate ay hore u ballan qaadeen inay gaadhsiiyaan dalalka Djibouti, Somaliland sidii ay mar hore ugu cadeeyeen madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mr Abdirahman Saylici oo hore wada hadal u dhexmaray shirkada, waxaana la filayaa in maamulku  dhawaan u anbabixi doonaan halkaas iyo gees Africa.

Salaanmedia/Hargaysa