DEG DEG: Madaxweynaha Maamulka Puntland oo sheegay in dabeylaha roobabka wata ay 100 ruux ku dileen Puntland

faroole
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud “Faroole”, ayaa waxa uu goor dhow ku dhawaaqay, in duufaanta ku dhufatay Deegaanada Puntland ee Xeebaha Badweynaha Hindiya dhaca, ay ku dhinteen ilaa 100 ruux, sida uu yidhi.Madaxweynaha oo goor dhow Saxaafada kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loogu gurmado, dadka Somaliyeed ee duufaantu ku waxyeeleyneyso Deegaanada, ay ku dhufatay.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in Maamulkiisu uu diyaar la yahay in gargaar deg deg ah uu u fidiyo dadkaasi dhibaateysan, si wax looga qabto xaalada adag ee ay ku sugan yihiin.

Sidoo kale ganacsatada iyo shacabka Somaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland ka soo jeedo, ayuu ugu baaqay in ay si deg deg ah gacan ugu fidiyaan dadkoodu dhibaateysan.

C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Golaha Wasiirada ee Puntland iyo Hay’adaha ka hawlgala Deegaanada Puntland. Wuxuuna kala hadlay dhibaatada ka jirta Deegaanada, ay duufaantu ku dhufatay.

Madaxweynaha Puntland, ayaa kulankaan kaga dhawaaqay Guddiga xaalada deg degga iyo gargaarka dadka tabaaleysan ee Puntland (Puntland Disaster Management & rescue Committee).

Duufaanta ku dhufatay Deegaanada Puntland, ayaa loogu magac daray Tropical Cyclone, waxaana la sheegay roobabka iyo dabeylaha ay wadato, in ilaa Arbacada ay ka jiri doonaan Deegaanada Puntland.

Tropical Cyclone, ayaa waxay wadataa roobab iyo qaboob daran, sida laga dareymay Deegaanada ay ku dhufatay, oo ay kamid yihiin Gardafuu, Bandarbayla, Eyl iyo dhulka miyiga fog dhaca.

Salaanmedia/Mogdisho