Deg Deg Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamal Ali Hussein UCID iyo warbaahinta oo laga hor istaagay madaarka Hargeysa.

image
Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen  iyo warbaahinta oo laga hor istaagay madaarka Hargeysa.Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa madaarka Hargeysa ka hor istaagtay musharaxa madaxweyneha ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, oo markaas doonayay inuu soo dhaweeyo gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo dalka dib ugu soo laabtay, Jamaal Cali Xuseen oo warbaahinta madaarka dibadiisa kula hadlay ayaa xukuumadda ku dhaliilay inay siyaasada cadaawad u rogayso, waxaanu canbaareeyay falkan lagula kacay Maanta,
Wixii War ah ee kasoo kordha lasoco Insha Allah.

Salaanmedia/Hargaysa