DEG DEG: Wararkii ugu dambeeyey Qaraxii ismiidaamin ee ka dhacay B/weyne + dhimashada

newslogo2

 

Wararkii udambeeyey ee naga soo gaadhay magaalada B/weyne ayaa waxay sheegayaan in xaalada weli ay tahay mid aan deggeneyn kadib qaraxii ismiidaamin ee ka dhacay saldhiga B/weyne.

Wariyaha gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya inuu indhihiisa ku arkay geerida 6 qof dhaawacana uu ka badan yahay 10 qofood.

Gudaha Saldhiga Booliska B/weyne ayaa waxa ka dhaceysaa rasaas loo maleynayo inay is weydaarsi tahay waxaana la daad gureynayaan meydadka iyo dhaawacyada.

Warar kale ayaa sheegaya in qaraxa waxyeelada ugu badan uu soo gaadhay Shacab kusugnaayeen oo lagu magacaabo Bacadlaha Ragga oo saldhiga Booliska B/weyne kaabiga ku haya.

Saraakiil uhadlay AMISOM iyo Dawlada ayaa waxay sheegeen inay joojiyeen oo ay toogteen rag hubeysnaa oo doonayey inay qaraxa kadib gudaha ugalaan saldhiga inkastoo faah faahino kale aysan bixin.

Salaanmedia/Mogdisho