Dowladda Ingiriiska oo ka hadashay tallaabada Golaha ammaanka ay ku kordhiyeen ciidanka Amisom

Uk

 

Dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashay tallaabada Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku kordhiyeen ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ee Soomaaliya ka howlgala.

Danjiraha Ingiriiska u fadhiya Qaramada Midoobay Mark Lyall Grant, ayaa Wariyeyaasha xarunta Qaramada Midoobay ee New York ugu sheegay inay tahay arin wanaagsan tallaabada ciidanka Amisom lagu kordhiyay.

Mark Grant wuxuu tilmaamay in arintani ay keeni kareyso in ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ay udhaqaaqaan goobaha ay joogaan ciidamada Shabaab ee dagaalka kala soo horjeeda si ay meesha uga saaraan awoodaha Ururkaasi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Amisom ay hada awoodi karaan kahortaga qataraha weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan Soomaaliya, iyadoo lawada xasuusto dhacdooyin badan oo Shabaab ay ka geysteen Muqdisho.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay kudhawaaqay in tirada ciidamada Amisom laga dhigay 22,126 halka markii hore ay ahaan jireen 17,731-askari, dhowr jeer ayaa taliska Amisom uu cabasho ka muujiyay yaraanta ciidanka Amisom ee Soomaaliya.

Amisom ayaa caawisa Dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ay ka caawisaa la dagaalanka Ururka Al-Shabaab, sugidda ammaanka Magaalada Muqdisho, ammaanka madaxda Dowladda iyo ammaanka xarumaha muhiimka ah ee Dowladda Soomaaliya.

Ciidanka Amisom ayaa ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti Kenya iyo Sierra Leon, waxaana ay kala joogaan Gobalada dalka Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho.

Salaanmedia/Mogdisho