Dowladda Kenya oo sheegtay in ay burburisay Xaruntii ay ku soo tababarteen, raggii fuliyay weerarkii Westgate

 

DEG DEG: Wiil Soomali Oo Ay Duubtay Camerada Lana Soo Bandhigay Asagoo Wax Tooganaaya Weerarkii West Gate. (Live Video)

Dowladda Kenya, ayaa waxay ka hadashay weerar xagga cirka ah, oo barqanimadii Khamiistii shalay ay sheegatay, in ay ka fulisay duleedka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Bayaan uu soo saaray Taliska Ciidamada Difaaca ee Kenya, kuna saxiixnaa Afhayeenka Ciidamada Kenya Col. Cyrus Oguna, ayaa waxaa looga hadlay weerarkaan, oo ay tilmaamayn in ay ka geysteen Deegaanka Hur-guun.

Bayaanka, ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Kenya, ay duqeymo xoogan ku asqeeyeen Xarun lagu tababaro dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.

Xilligii uu weerarku dhacaayay, ayaa waxaa Bayaanka lagu sheegay in ay goobtaasi ku sugnaayeen ilaa 300 oo askari, oo ka tirsan Shabaabka, isla-markaana ay dhamaantood la’deen, marka laga reebo tiro yar oo dhaawacyo halis ah, uu weerarkaasi ka soo gaaray, sida Bayaanka lagu sheegay.

Sidoo kale afar kamid ah gaadiidka dagaalka, oo ay lee yihiin Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa Bayaankaan lagu sheegay in lagu gubay duqeymaha xoogan, ee ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Kenya.

Warbixinta uu soo saaray Taliska Ciidanka Difaaca ee Kenya, ayaa waxaa kaloo lagu cadeeyay in raggii fuliyay weerarkii Westgate, ay ku soo tababarteen Xarunta la burburiyay.

Col. Cyrus Oguna, ayaa sheegay in ay sii socon doonaan weerarada xagga cirka ah, ee lagu baacsanaayo waxa uu ugu yeeray argagaxisada.

Sarkaal ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom, oo wareysi siiyay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa wuxuu ku xaqiijiyay jiritaanka weerarka, ay diyaaradaha Kenya ka geysteen Gobolka Baay.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Baay Col. Xasan Isaaq Cumar “Xasan Baydhabo”, oo la hadlay Shabakada Warbaahinta ee Dhacdo.com, ayaa waxa uu xaqiijiyay weerarka ka dhacay duleedka Degmada Diinsoor.

Col. Xasan Baydhabo, wuxuu xusay diyaaradaha duqeymaha ka geystay Gobolkiisa, in ay ka soo kici tamayn maraakiibta dagaalada, ee ku sugan Xeebaha Jubbooyinka.

Salaanmedia/Mogdisho