Fowsiyo Yuusuf X. Aadan Oo La Kulantay dhiggeeda Kuwait iyo Shirka Madaxda Carabta Oo Deeq Siinaya Dadkii ku Wax Yeeloobay Musiibadii Duufaanta. ”Sawirro”

 

Kuwait(SM) Wasiirka arimaha dibadda ahna R/ wasaare ku xigeenka xukumadda Soomaaliya Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa la kulantay dhigeeda dalka Kuwait Sheekh Sabah Khalid Al Hamed, waxayna ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirta ka dhexeeimageya Soomaaliya iyo Kuwait iyo sidii ay dowladda Kuwait uga qaybqaadan lahayd caawinta shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ay wada yeesheen wasiirka arimaha dibadda ahna R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka ariamaha dibadda ee dalka Kuwait ayaa ka dhacay Hotel-ka Shiritan ee magaalada Kuwait waxayna ka wada hadleen labada masuul sidii dib loogu soo celin lahaa mashaariicdii ay dowladda Kuwait ka fulin jirtay gudaha Soomaaliya, waxayna dowladda Kuwait Soomaaliya ugu deeqday lacag gaaraysa 3 Milyan oo doolar oo wax loogu qaban doono dadkii Soomaaliyeed ee uu saamaynta ku yeeshay roobabkii dabaylaha watay ee ka da’ay deegaanada maaamulka Puntland.

Wasiirka arimaha dibadda dowladda Soomaaliya Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in kulankii ay la qaadatay Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Kuwait uu ku soo dhamaaday guul waxayna tilmaamtay in lacagaha ay dowladda Kuwait ugu deeqday dadkii Soomaaliyeed ee waxyeeladdu kasoo gaartay musiibadii ka dhacday deegaanada maamulka Puntland, sida ugu dhaqsaha badan loo gaarsiindoono gargaarka ka yimid dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwait.

Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegay in gargaarka ay dowladda kuwait ugu deeqday Soomaaliya lagu iibin doono Raashi, Dawooyin iyo Teedhoooyinka waxayna xustay in maalinta barri uu gargaarkaas gaadhi doono deegaanada maamulka Puntland si loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee waxyeeladdu kasoo gaartay musiibadii ka dhacday deegaanada maamulka Puntland.

Salaanmedia/Mogdisho